Sarkaal Sare Oo Katirsan Puntland Oo Lagu Dhaawacay Qarax Ka Dhacay Mudug.
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay qarax xooggan oo lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Puntland.
Qarax oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah kaga dhacay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxaana lagu beegsaday gaari uu waday Gandi Boonbale oo ah danbi baaraha maamulka Puntland ee gobolka Mudug.
Sida aan wararka ku helnay waxaa qaraxaasi dhaawac culus ku noqday sarkaalka dambi baaraha ah iyo laba ka mid ah ilaaladiisa, waxaana halkaasi ku burburay gaarigii ay wadeen.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu bartilmaameedsaday sarkaalkaasi, “Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa ahaa mujrim weyn oo dhibaato ba’an ku hayey dadka Muslimiinta ee ku dhaqan waqooyiga magaalada Gaalkacyo, isagoo ku been abuuran jiray dadka ay soo xiraan maleeshiyaatka ridada Puntland” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus.