Sideed askeri oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax ka dhacya Duleedka Galcad.
shan Askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Malateriga Dowladda Federaalka ah ayaa maanta dhintay 3 kalena waa dhaawacmeen kadib markii qarax kula kalcay Duleedka Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay dhul ka durugsan halka uu ka dhacay.
Ciidamada ayaa qaraxu haleelay iyagoo oo lugeynaya waxaanuu durba kala firdhiyay hilbahooda.
Ciidamada dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa qayb ka ahaa Ciidan halkaa dhaq dhaqaaq ka wada kuwaasoo cabaqad ku noqday nabaddii ay haystatay Bulshada Degaanka.
Shalay ayay ahayd Markii Dowladda Federaalka ah Sadax Sarkaal oo miino Baarayaal ah looga dilay duleedka Degaanka Ceel Cali Axmed oo hoos taga Degmada Aadan yabaal oo soohdin ay wadaagaan degmada Galcad ee Wilaayada Galgaduud waxaana qaraxaas in ay ka dambeyso sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sidoo kale dhawaan ayaa Markii Dowladda Federaalka ah 6 askerilooga dilay 8 kalena lagu dhaawacay Gaari Cabdi bile ahna looga gubay qarax ka dhacay Degaanka kale oo asna duleedka Galcad ku yaal kaasoo Mas uuliyadiisa ay sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,