100 Ruux Oo Ku Dhintay Duufaan Ku Dhifatay Dalka Miyan-Maar.(Warbixin)

Inka badan 100 ruux ayaa ku dhimatay duufaan xooggan oo ku dhufatay dalka Myanmar xili laga cabsi qabo in tirada dhimasha ay sii kororto

Boqolaal ruux ayaa ku dhintay duufaan xaaggan oo saacadihii la soo dhaafay ku dhufatay qeybo kamid ah wadanka Myanmar taas oo khasaaraha ugu badan ka geysatay gobolka Raakhiin ee ku yaalla xeebaha galbeed ee dalkaasi.

Duufaanta Mookaa oo ah tii ugu dhimashada badneyd muddo toban sano ah oo dalkaasi ka dhacada ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan 150 qof, waxaana ay dhibaato weyn ka geysatay laba tuulo oo hoostaga magaalada Sittwe ee xarunta gobolkaasi, halkaas oo ay ku nool yihiin tiro badan oo ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Mas’uul maxalli ah oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen dhimashada ugu yaraan 150 qof oo ka tirsanaa dadka Musliinta ah Rohingya ah ee ku dulman dalkaasi.

Mas’uulkaan oo lagu magacaabo Mujiibullah ayaa wakaalada Anadolu u sheegay in cabsi badan laga qabao in tirada dhimashadu ay kor u kacdo saacadaha soo socda wuxuuna sheegay in dad ka badan 100 qof la la’yahay, kuwaas oo loo badinayo inay dhinteen.

“Duufaantu waxay si ba’an u waxyeeleysay xeryaha barakacayaasha ee magaalada Sittwe, halkaas oo ku dhawaad   140,000 Rohingya ay ku nool yihiin,”  ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo muujiyay sida uu uga walaacsan yahay in qaar badan oo ka mid ah dadkan ay ku dhinteen xeryahaas.

Wakiilka UNDP ee Myanmar, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in duufaantu ay saameysay dhul baaxadleh islamarkaana la qabsi qabo in 2 milyan oo qof ay noloshooda halis geliso

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Duufaantan ayaa halis ku tahay xeryaha barakacayaasha ee ku yaala degmada Bazar ee dalka Bangaladesh, kuwaasoo ay ku jiraan tiro badan oo ka mid ah dadka Rohingya ee ka cararaya dulmiga iyo arxan darada loogu geytay dalka Myanmar.

Sannadkii 2008dii ayay hayd markii dalka Burma ay ku dhufatay duufaanta Nargis taas oo galaafatay nolosha ugu yaraan 138,000 oo qof. Xilligaas, dowladda waxaa loo jeedinayay dhaleecayn caalami ah oo ku aaddan sida ay u maareysay musiibadan Rabaaniga ah, waxaana lagu eedeeyay in ay is-hortaagtay gargaar deg-deg ah oo loogu talagalay dadka ku waxyeeloobay duufaanta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.