Abiy Axmad oo Dib U Billaabay Inuu Madaxda Maamulgoboleedyada Soomaalida Ugu Yeerto Adisababa.
Maxay Tahay Ujeedada Uu Ugu Yeertay Qaar Kamid Ah Madax-Goboleedyada?
Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa dib usoo cusbooneysiiyay siyaasaddii ay dowladdiisu kula dhaqmi jirtay maamulladda maqaar-saarka ah ee Soomaalida, taasoo ahayd in hogaamiye kasta oo gobol heysta uu toos fiilada ugu xirto Adisababa, awoodna u yeesho inuu xiriirka u jaro maamulka Villa Soomaaliya.
Inkastoo xilligii Farmaajo xilligiisii Abiy Axmad u saxiixay 4 dakadood ugana badasha inuusan xiriir la sameynin maamulgoboleedyada, haddana waxaa muuqanaya in markii uu Xassan Sheekh yimid ay arrintu sideedii usoo cusboonaatay.
Abiy wuxuu dhawaan u yeeray hogaamiyaasha Puntland iyo Jubbalanad, si uu ugala soo xaajoodo arrimo ay daneeneyso dowladdiisa. Axmad Madoobe ayaa hadda ku sugan magaalada Adisababa halkaasoo ay kula shirayaan saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka iyo kuwa wasaaradda arrimaha dibadda.
Sidoo kale waxaa dhawaan magaalada Adisababa ku wajahan Saciid Cabdullaahi Deni oo ah hogaamiyaha maamulka Puntland, sida ay sheegayaan ilo aad ugu dhow madaxtooyada magaalada Garowe.
Marka laga yimaado kulamada gaar-gaarka ah ee lala yeelan doono labadan hogaamiye, waxaa jiri doona in iyaga dhexdooda la wada hadashiiyo maadaama uu madmadow ka dhex jiray tan iyo markii la doortay Xassan Sheekh.
Saciid Dani wuxuu kal hore si toos ah xiriirka ugu jaray Xassan Sheekh iyo maamulkiisa, halka Axmad Madoobe uu wada shaqeyn la lahaa maamulka Muqdisho, maadaama ra’iisulwasaare laga dhigay nin uu isagu keensaday.
Falanqeeyeyaashu waxay sheegayaan in Itoobiya ay dooneyso in maamulgoboleedyada ay ku mideyso masaalixdeeda, dhanka kalana ka dhigto kuwa awood u leh iney la xifaaltamaan Xassan Sheekh. Siyaasaddan ayaa ah mid caan ah oo ay waligood isticmaali jireen dowladaha gaalada, waxaana loo yaqaanaa (kala qeybi oo xukun)