Al-Burhaan: “Wax Faa’iido Ah Kuma Jirto Wadadal Siyaasi Ah, Iyadoon Xabad Joojin La Sameyn.(Warbixin)

Wali Waxaa dalka Suudaan ka taagan xaalad cakiran, iyadoo lasoo sheegayo dagaallo culus oo mar kale dib uga qarxay qeybo badan oo kamid ah Magaalada caasimadda ah ee Al-khartuum, Kuwaas oo dhex maraya ciidanka mellatariga iyo Maleeshiyaadka gurmadka deg degga ah, xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in fahamwaa uu ka dhex billawday wakiillada ku sugan Magaalada Jiddah ee la doonayay iney yeeshaan wadadal siyaasadeed.

Wariayayaal ku sugan Magaalada caasimadda ah ee Al-khartoum ayaa soo sheegaya, in dagaallo culus ay dib kaga soo cusboonaadeen qeybo kamid ah Magaalada caasimadda ah, walina aysan muuqan rajo ah in xabad joojin si toos ah u dhaqan gasha ay wada gaaraan dhinacyada ku loollamaya xukunka Suudaan.

Diyaaradaha dagaalka ee taliska mellatariga xukuumadda Suudaan ayaa lasoo sheegayaa in lagu arkayo hawada Magaalada caasimadda ah, xaafadda Khartuum Baxri ayaa ah halka ugu daran ee ay dagaallada culus ka soconayaan, Maleeshiyaadka gurmadka deg degga ah ayaa iyana adeegsanaya hubka lidka diyaaradaha, si ay dhulka usoo dhigaan diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Suudaan.

Tan iyo subaxnumadii hore ee maanta ayay dagaalladu ka socdeen xaafado katirsan Magaalada Khartuum, marka laga yimaado xaafadda Baxri oo ah halka ugu daran ee ay dagaalladu ka socdaan, waxay sidoo kale iska hor-imaadyada maanta ku fideen xaafadda Shambaat, waxaana la arkayay diyaarado dagaal oo halkaas kusoo degaya.

Saxafiyiinta ku sugan magaala madaxda Suudaan waxay soo tabinayaan, iney maqlayeen dhawaqa qaraxyo waaweyn, iyo qiiq ka baxayay goobo ka agdhaw xarunta madaxtooyada ee looga arrimiyo dalkaas, diyaaradaha xukuumadda ayaa iyana dul heehaabaya xarunta madaxtooyada.

Maleeshiyaadka gurmadka deg degga ah waxa ay ciidanka mellatariga ku eedeeyeen iney adeegsanayaan siyaasadda gubidda dhulka, iyagoo ku dhaleeceeyay iney duqeymo bahalnimo ah ka fuliyeen dhammaan xaafadaha ku yaalla Magaalada Al-khartuum, kuwaas oo loo adeegsaday diyaarado iyo madaafiicda goobta.

Sidoo kale waxaa raja beel laga muujinayaa wadahadallada la sheegay in Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga ku dhex marayaan dhinactada isku haya talada dalka Suudaan ee ay kala hogaaminayaan Al-burhaan iyo ku xigeenkiisa Xamdaan Doglo.

Diblimaasi Sucuudiyaan ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa sheegay, in wadahadallada lagu doonayo in xabad joojin lagu dhex dhigo darafyada ku dagaallamaya Suudaan ee ka socda Magaalada Jiddah aysan sameyn wax harumar ah oo la taaban karo, taas oo meesha ka saaraysa rajadii laga qabay in xiisadda la qaboojiyo

Hogaamiyaha mellatariga Suudaan Cabdil-Fataax Al-Burhaan ayaa wareysi qadka taleefanka ah oo soconaya 21 daqiiqo siiyay warbaahinta Masar, waxa uuna kaga hadlay xaaladaha dagaal ee ka taagan dalka, isagoona dhanka kale sheegay in wax faa’iido ah aysan leheen wadahadal Siyaasi ah, iyadoo aan xabad joojin la sameyn.

Ugu horren waxa uu Alburhaan sheegay, in dhammaan goballada kala duwan ee dalka ay xaaladoodu dagan tahay, balse ay iminka dagaallo ka socdaan qeybo kamid ah Magalaada caasimadda ah ee Al-Khartuum, kuwaas oo u dhexeeya ciidankiisa iyo Maleeshiyaadka fallaagada ah, waxa uuna xusay in Maleeshiyaadka uu hogaamiyo Xamdaan Doglo aysan fariisimo ciidan oo rasmi ah ku laheyn magaalada Al-Khartuum, balse ay gabbaad ka dhiganayaan goobaha caamka ah ee bulshada loogu adeego.

Intii lagu guda jiray wareysiga waxa uu Al-Burhaan si cad u sheegay, in wadahadal siyaasadeed uusan waxba ka tareynin xaaladda uu iminka ku sugan yahay dalka Suudaan.

Waxa uu tibaaxay in marka hore loo baahan yahay in Maleeshiyaadka gurmadka deg degga ah laga saaro goobaha caamka ah ee ay ku sugan yihiin, isagoona dhanka kale xooxaha fallaagada ah ku eedeeyay, iney boob u geysteen hanti fara badan, ayna dhaceen xarumo waaweyn oo ay leeyihiin hey’adaha taabacsan Qaramada Midoobey, iyo xafiisyo diblimaasiyadeed.

Tan iyo bartamihii bishii April ee lasoo dhaafay, waxaa dalka Suudaan ka soconaya dagaallo culus oo udhexeeya Janaraallada inqilaabka mellatari kula wareegay talada dalka Suudaan, kuwaas oo gallaaftay nolosha boqallaal ruux iyo dhaawaca kumannaan kale, taas oo ay sii dheer tahay in dagaallada ay ku baraceen malaayiin ruux.

Maleeshiyaadka gurmadka deg degg ah ayaa waxaa teegaraya dowladda Imaaraatka Carab iyo xukuumadda Moscow, halka ciidanka mellatarigana ay teegarayaan Mareykanka iyo reer galbeedka, siyaadaha is diidan ee dowladahaan ayaana qeyb ka ah, arrinta sii hurineysa colaadda sii daba dheeraaneysa ee iminka ka taagan dalkaan dhaca bariga qaaradda Africa.

Suudaan waa dal muhiimad gaar ah u leh dowladaha reer galbeedka iyo kuwa bariaga intaba, mid waliba oo dowladahaasi kamid ahna waxa uu dalkaan ka doonayaan mashaariic isaga u gaar ah, iyagoo boob ku haya dhaqaalaha dalka, waana taas midda keentay iney soo fara galiyaan xiisadaha ka aloolsan dalkaan, islamarkaana lakala saftaan darafyada ay dirirtu dhexmareyso.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Wareysiga Hogaamiyaha Suudaan Cabdil-fataax Al-Burhaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.