Al-Shabaab: “Lama Iibsan Karo Hantida Guud ee Ummadda” (Bayaan)
Bayaanku Wuxuu Kusoo Aaday Iyadoo Ay Soo Kordheyso Qeyla-Dhaanta Bulshada Muqdisho.
Maktabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor dhow baahiyay bayaan ku aadan dhul boobka iyo xatooyada bareerka ah ee lagu hayo kheyraadka ummadda Soomaaliyeed.
Halkan Ka Degso Bayaanka oo PDF Ah
Hordhaca Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya uu wajahayo duullaan caalami ah oo isugu jira mid ciidan iyo mid boob dhaqaale ah oo ay hormuud ka yihiin Mareykanka iyo Turkiga oo Nato ka wada tirsan iyo dalalka reer Yurub, kuwaasoo food-saare ka dhiganaya maamulka uu madaxda ka yahay Xassan Sheekh.
DF ayaa lagu eedeeyay iney ku sifowday diin la dirir iyo iney tobankii sano ee lasoo dhaafay halis joogto ah ku heysay hantida ummadda iyo kheyraadka ummadda, waxaana sida lagu xusay bayaanka DF ay dhaqan ka dhigatay boobka dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed iyadoo aan u aaba yeelin hantida noocyadeeda mid guud iyo mid gaar ahaaneed intaba.
“Tobankii sano ee lasoo dhaafay waxay dowladda ridada kaalinta koowaad uga jirtay dowladaha ugu musuqmaasuqa badan adduunka sida ay sheegeen gaaladii iyaga gacanta ku hayay iyo hey’adahooda oo ay ugu horreyso Transparency International, wuxuuna Xasan Sheekh Maxmuud si gaar ah taariikh madow kulahaa, safka horena kaga jiray, welina kaga jiraa boobka hantida guud ee Ummadda iyo tan gaarka ah” ayaa lagu yiri Bayaanka.
Sidoo kale waxaa lagu tilmaamay bayaanka in sanadkii 2013, Hay’adda UN Monitoring Group oo warbixin ka sameesay musuq-maasuqa dowladii Xasan Sheekh ay sheegtay “in 80% miizaaniyaddda dowladda loo weeciyey dano shakhsi ah”
Intaasi kadib waxaa warsaxaafadeedka lagu qeexay sida uu dhul-boobka usii laba-lixaadsaday markii uu hogaanka DF kusoo laabtay Xassan Sheekh sannadkii 2022, iyadoo mudada sannadka ah ee uu joogo la tilmaamay iney aad u korortay qeyladhaanta iyo cabashada bulshada Muqdisho ee ku aadan boobka iyo barakicinta baahsan ee ay dowladdu u geysanayso.
Xarakada Al-Shabaab waxay dirtay digniin far waaweyn ku qoran tahay: “Hadaba Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyadoo ka duuleysa waajibka ka saaran ilaalinta badqabka ummadda Soomaaliyeed iyo hantidooda, waxay digniin udireysaa cid waliba oo ku hawlan boobka hantida ma guurtada ah iyo gelidda heshiisyo ku sheeg lagu xaraashayo khayraatka dalka – haddii ay tahay kuwa badda ama beriga intaba – inay joojiyaan, ka laabtaan, kana waantoobaan ficiladaas”. ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Al-Shabaab ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugadigtay ka qeybqaadashada mashruuca lagu boobayo hantida ma guurtada ah ee ay ummaddu wada leedahay, kana fiirsadaan halka ay gelinayaan hantidooda, iyadoo dadka uu ku jiro damaca booli cunka la dareensiiyay in ummaddu la xisaabtami doonto, lagana soo celin doono hantidaas.
Digniinahan ayaa waxaa lagu adkeeyay adilooyin cadcad oo ka tarjumaya halista adduun iyo midda aakhiro ee ay leedahay boobka hantida guud ee ummadda ka wada dhaxaysa.
“Khayraatka iyo hantida ma guurtada ah ee Umadda ka dhexeeya waa dhaxal Ummaddu wada leedahay, xaqna uma lahan murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda riddada inay iibiyaan ama ku takrifalaan. Waa dowlad aan sharciyad ka haysan Allaah iyo Rasuulkiisa oo gaaladu soo dhisatay, diin iyo dhaqanna ka yeelatay dimooqraadiyadda, hantida ummadda Soomaaliyeedna baylah uga dhigtay saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda, dalkana kusoo dhaweysay cadowga ummadda Soomaaliyeed ee ay ugu horreyso nasaarada Itoobiya”. sidaasi waxaa lagu yiri bayaanka.
Qeybaha dambe ee bayaanka waxaa lagu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay u dagaallameyso dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo iney dhamaan dhulalka Muslimiinta ka xoreyso gaalada iyo dhinacyada la socda, waxaana bulsahda loogu baaqay iney ka fogaadaan xarumaha ay daggan yihiin shisheeyaha iyo DF.
“Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay mar kale ku celinaysaa dalabkii ahaa in dadka Muslimiinta ah ay ka fogaadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada cadawgu ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga uga haystaan ummada Soomaaliyeed ee muslimka ah. Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah ilaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duulay, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah oo kaliya u sugnaaneyso” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay XSHM.
Si kastaba ha ahaatee, warsaxaafadeedkan ayaa kusoo aadaya iyadoo labadii todobaad ee lasoo dhaafay ay aad usoo bateen dadweynaha iyo qoysaska ka qeyla dhaaminaya boobka lagu hayo dhulalkooda magaalada Muqdisho, tiiyoo ay sii dheer tahay boobka bahalnimada ah ee lagu hayo biyaha Soomaaliya oo ay dowladdu sheegtay iney ku sugan yihiin kun markab, oo jarriif u badan.
Waxaa lagaaray waqtigii xarakadu kudhaawa lahay inay iyadu dalka dowlad utahay.
Waxaa lagaaray waqtigii umada soomaliyeed loo sheegi lahaa ragga xamar fadhiya waxaa meedha keensaday maraykan si uu uga Aaron goosto soomaalida qadiyadii 1993 markiì xamar lagu jiiday askartiisii