Al-Shabaab oo 24 Kadib Firxadkii Ciidanka Uganda Kasoo Qabtay Maxaabiis Hor Leh.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hawlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen hareeraha magaalada Buulomareer kusoo qabtay maxaabiis hor leh oo ka tirsan ciidanka Atmis.
Halgalladan ayaa ahaa kuwa 24 saac ee ugu dambeeyay lagu baacsanayay meelaha qaarna looga baadi goobayay ciidamadii Uganda ee xerada isaga cararay.
Ilowareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u xaqiijiyay in ay arkayeen gaari ciidanka Al-Shabaab saaran yihiin oo dhanka dabe ay fadhiyaan askar shisheeye oo indhaha laga xiray.
“Walaalow iney Uganda u dhasheen maxaabiistaas waxaan ku dareemay calaamadooda iyo dharkooda ayay ka muuqatay, waxay kale oo ay wateen koofiyaashi waaweynaa, garba-duubna wey u xernaayeen, taas anaa kuu xaqiijinaayo, bes waxaanan ku dambaabi karin tiradoodu ma labey ahaayeen mise sadax, waayo gaariga boobsiis ayuu igu dhaafay”
Sawirro ay maalintii shalay baahisay mu’asasada Al-kataa’ib ayaa waxaa laga arkayay maxaabiis ciidanka Uganda ka tirsan oo dagaalka lagu qabtay, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab-na waxay dhankeeda xaqiijisay gacan ku heynta maxaabiistaas.
Magaalada Buulomareer xaaladeeda ayaa maanta deggan, 10 sano kadib oo ay dadku ku hoos noolaayeen ciidanka Uganda waxay maanta dareemayaa farxad iyo reyn-reyn, waxaa dib loo furay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga.
Sidoo kale dadweynaha ku dhaqan magaalada iyo kuwa ka imaanaya tuulooyinka hoos taga ayaa maalinkii labaad agabyo ka daldalanaya xeradii weyneyd ee ciidanka Uganda laga sifeeyay.
Magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamada wilaayada Buulomareer oo sugaya ammaanka, waxay mujaahidiinta bulshada Buulomareer kala kulmeen soo dhaweyn wanaagsan, waxaana ugu wacan reer Buulomareer oo horey usoo dhadhamiyay macaanka kudhaqanka shareecada islaamka.
Masha allah ad iyo aad ugu farxay waxa qabsaday gaalada