Aqriso+Dhageyso: Dagaallada Ka Socda Suudaan Oo Galay Todobaadkii 3-aad Oo Xiriir Ah+Khasaaraha.(Warbixin)
Iyadoo dalka Sucuudiga ay ka socdaan wax walgu sheegay wadahadal lagu heshiisiinayo dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan ayay wararka ka imaanaya gudaha dalkaasi Suudaan sheegayaan, in dagaallo culus ay ka soconayaan Magaalada caasimadda ah ee Al-Khartuum iyo magaalooyin kale oo ku yaalla gudaha dalka Suudaan.
Wadahadalladaan oo ay garwadeyn ka tahay dowladda Sucuudiga ayaa ka dhigan xabad joojin cusub oo ay gaaraan dhinacyada ku dagaaallamaya dalka Suudaan ee kala ah ciidamada mellatariga ee uu hogaamiyo Cabdul-Fataax Alburhaan iyo maleeshiyaadka la magac baxay gurmadka deg degga ah ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Xamdaan Doglo.
Dad ku sugan Magaalada caasimadda ah ee Suudaan ayaa waxay soo sheegayaan iney maqlayeen duqeymo xooggan oo lalal beehsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda, sida xarunta biyaha ee Magaalada, tan korontada, iyo bakhaarro waaweyn oo ku yaalla halkaas, tani ayaana sababtay iney biyo la’aan iyo koronto la’aan ay lasoo daristo dad badan oo Suudaaniyiin ah.
Diyaaradaha dagaalka ee uu leeyahay taliska mellatariga ee xukuumadda Suudaan ayaa lasoo warinayaa iney duqeymo xooggan ka geysanayaan tuulada Riyaad ee ku taalla magaalada caasimadda ah, waxayna diyaaraduhu si indha la’aan ah u beegsanayaan goobaha caamka ah iyo xarumo la sheegay iney degan yihiin maleeshiyaadka uu hogaamiyo Xamdaan Doglo.
Arrimahaan oo dhami waxa ay dhacayaan iyadoo Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga ka furmeen wadahadallo la isugu keenayo hogaamiyayaasha inqilaabka mellatari kula wareegay talada dalka Suudaan, kuwaas oo ay soo abaabuleen dowladaha Sucuudiga iyo Mareykanka, si loo joojiyo colaadda ka aloolsan dalka Suudaan, kadib markii todobaadyadii lasoo dhaafay ay fashilmeen isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in xabad joojin waarta lagu dhex dhigo qolyaha ku dagaallamaya Suudaan.
Inkastoo ay wararka qaar ay sheegayaan in wadahadallo ay furmeen ayaa haddana waxaa soo yeeraya hadal kaa duwan, wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Aala-Sucuud Feysal Bin Farxaan ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo in si rasmi ah ay ufurmeen wadahadalla la sheegay in la isugu keenayo qolooyin kala matalaya Al-burhaan iyo ku xigeenkiisii hore ee Xamdaan Doglo.
“Waxaan maanta soo dhaweyneynaa inaan Magaalada Jiddah ay joogaan ergooyin kala matalaya ciidamada mellatariga Suudaan iyo askarta gurmadka deg degga ah, si ay uga wada hadlaan xaaladaha ka taagan waddankooda” ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ku yiri war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka.
Dagaallo xooggan ayaa waxay maanta dib uga qarxeen xaafadda loo yaqaanno Al-Baxri ee ku taallla Magaalada Khartoum ee caasimadda Suudaan, taliska mellatariga ee dalkaas waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegayo inuu gacanta ku dhigay qaar kamid ah shiishyannada Maleeshiyaadka gurmadka deg degga ah ee uu hogaamiyo Xamdaan Doglo, islamarkaana ay la wareegeen gaadiid iyo hub ay lahaayeen Maleeshiyaadka.
Muuqaal uu baahiyay mellatariga Suudaan waxaa kasoo muuqanayay, mid kamid ah saraakiisha ciidanka xukuumadda oo ku goodinaya iney sii wadi doonaan dagaalka, islamarkaana ay iminka ku raad joogaan firxadka Maleeshiyaadka gurmadka deg degga ah.
Dagaallada ka socda dalka Suudaan oo galay isbiicii 3-aad oo xiriir ah ayaa waxay gallaafteen nolosha boqallaal ruux oo rayid ah, iyadoona ay dhaawacmeen kumannaan kale, tirakoobyadii ugu dambeeyay ayaana soo sheegaya, in tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 600 oo ruux, halka dhaawacuna uu yahay 5-kun, waxaa intaa dheer in 335-kun oo ruux ay ku barakaceen dagaallada, kuwaas 115-kun oo kamid ah ay iska dhiibeen dalalka jaarka la ah Suudaan.
Jimcihii lasoo dhaafay waxaa dagaallo culus oo ka dhacay Magaalada Al-khartuum iyo nawaaxigeeda ku dhintay, ugu yaraan 16 ruux oo rayid ah, kuwaas oo ku dhintay rasaasta ay is weydaarsanayaan ciidamada mellatariga iyo maleeshiyaadka gurmadka deg degga ah.
Inkastoo la hayo qeyb kamid ah khasaaraha nafeed ee soo gaaray dadka rayidka ah, haddana waxaa aad u adag in la helo tirada rasmiga ah ee ay iska dileen qolooyinka ku dagaallamaya dalka Suudaan, kuwaas oo midba uu kan kale ka guul sheeganayo, balse meydaanka dagaalka aysan ka muuqan guulahaas ay sheegayanayaan.
Waxaa lasoo warinayaa dhibaatooyin adag ay wajahayaan dadka ku baracay dagaallada culus ee ka soconaya dalka Suudaan, war kasoo baxay Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay, in 19-mlilyan oo ruux ay bilihii lasoo dhaafay wajahayeen gaajo iyo cunno yari baahsan, xaaladda iminka soo korortayna ay uga sii dari karto dadkaas.
Waxa ay hey’addaani ka digtay, in dhibaatada ugu badan ay soo gaari doonto dadka rayidka ah ee ku dhaqan goballada Daar-fuur, Kardafaan iyo Niilul Azraq oo dhammaantood ku yaalla dalka Suudaan, kuwaas oo u nugul colaadaha, maadama ay horraanba goballadaasi uga jireen dagaal beeleedyo sababay dhibaato daran.
Dad badan ayaa rajo lbeel ka muujinaya shirka la sheegay in Magaalada Jiddah loogu qabanayo dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan ee ay kala hogaaminayaan janaraallada inqilaabka mellatari kula wareegay talada dalka Suudaan.
Waxa ay sheegayaan in markii hore loo baahnaa in wax uun xabad joojin ah la dhex dhigo dhinacyadaan dagaallamaya, lana joojiyo dhiigga dadka rayidka ah ee qubanaya, intaas kadibna laga wada hadlo sidii lagu soo afjari lahaa xiisadda ka dhex jirta qolooyinka isku haya xukunka dalka Suudaan.
Mareykanka ayaa aad uga walaacsan dagaallada ka soconaya dalka Suudaan, maadaama ay halkaasi ku dhimanayaan rajooyinkii iyo damacyadii gurracnaa ee uu ka lahaa dalkaan dhaca bariga qaaradda Africa, Imaaraatka Carabta iyo dolwadda Ruushka ayaa iyana dhankooda sii hurinaya dagaalka, kuwaas oo taageero ballaaran u fidinaya hogaamiyaha Mucaaradka ee Xamdaan Doglo.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Suudaan.