Askarta Uganda Ee Heysta Golweyn oo Madaafiic Aargoosi Ah Ku Garaacay Buulomareer.(Dhageyso)

Sawirku waa mid hore

Ciidanka Uganda ee heysta degaanka lagu magacaabo Golweyn oo qiyaastii 15km u jira magaalada Buulomareer ayaa billaabay iney duqeymo aargoosi ah kusoo garaacaan magaaladii ay ka carareen.

Saacado ka hor waxaa Buulomareer kusoo dhacay tiro madaafiic ah, waxaana warar aan heleyno ay sheegayaan in qaar kamid ah duqeymahaasi ay ku dhaceen guryo islamarkaana khasaare kala duwan geysteen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay filayeen duqeymo uga yimaada ciidanka Uganda ee heysta Golweyn, maxaa yeelay waxaa horey u jirtay in ciidankii lagu laayay Buulomareer ay si indho la’aan ah isaga duqeyn jireen tuulooyinka.

Duqeymahan ayaa ka marqaati kacaya in ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay aysan u kala soocnayn dadweynaha Soomaaliyeed iyo xogaga jihaadiyiinta ah ee xeryahooda ugu soo daadanaya.

Halkan Ka Degso Wareysiga Goobjooge

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.