Buulomareer oo Ka Xorowday Bandow 9 Sano Ah oo Saarnaa Habeenkii.

Magaalada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ciidamada Uganda heysteen muddo 9 sano ah ayaa xor ah maalinkii sadaxaad iyadoo dadku dareemayaan farxad iyo reynreyn.

Ciidanka Uganda ayaa magaaladan qabsaday sannadkii 2014 kolkaasoo ay degeen dhul-beereedyo aad u badan oo dadka shacabku lahaayeen.

Waxay islahaysiiyeen magaalada, xeryihii ay degganaayeen waxay u qalabeeyeen sida iney wadankooda joogaan oo kale, waxay soo dhigteen Filinjeerro, sidoo kale waxay dhaqanayeen digaag aad u badan.

Bulshada magaalada ayaa hantidaas oo dhan la wareegay oo xeryaha kasoo rartay kadib weerarkii subixii Jimcaha oo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay Atmis, maxaabiis iyo hub badanna looga soo furtay.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan magaalada ayaa inoo sheegay in markii ugu horreysay sagaal sano kadib ay fursad u heleen in ay habeenkii socdaan.

“walaalow qof kastaa og in magaaladaan bandow saarnaay waqtiyada habeenkii, 9 sano ayaan sidaas kusoo jirnay, sidii dooradii (digaagii) camal ayaan xarooneynay maqribkii, waxaa taas noo soo dheeraay duqeynta ay maalintii beeraha nooga dabakeenaayeen, Alxamdulilaahi hadda xor ayaan nahay, habeen iyo maalin ayaan soconaa, ilaahey hanoo siyaadiyo nimcadaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Buulomareer.

Dadka Soomaaliyeed ayaa dhankooda dareen farxad leh ka muujiyay isbadalka maamul ee ay gashay magaalada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.