Sawirro: Caruur Ku Dhaawacantay Duqeymo Aargoosi Ah oo Ay Ciidanka Uganda U Geysteen Buulomareer.
Ciidanka Uganda ayaa wixii ka dambeeyay maalinkii jimcaha duqeymo aargoosi ah ku billaabay magaalada Buulomareer ee gobolka Sh/hoose halkaasoo lagu laayay askartooda.
Ugu yaraan 4 qof ayaa ku nafwaayay duqeymaha halka tiro ka badan ay ku dhaawcmeen, dadka dhaawacyada culus ay gaareen ayaa waxaa loo qaaday isbitaalada, halka kuwa dhaawacyada fudud qaba dib loogu soo celiyay guryahooda.
Halkan waxaan idiinkugu soo gudbineynaa qaar kamid ah caruurta ku dhaawacantay madaafiicda ay ciidanka Uganda sida arxan darrada ah ugu garaaceen xaafadaha rayidka.