Dagaal ka dhacay Duleedka Xarardheere.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Xarakada Shabaaabul Mujaahidiin iyo kuwo Dowladda Federaalka ah ayaa Maanta ka dhacay Duleedka Magaalada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhacay Bacaadka Faarax Aadan sida Muuqatana Ciiidanka Federaalka ayaa dhaq dhaqaaq isku dayay halka kuwa Mujaahiidiintu  ay diyaar u ahaayeen in ay foodda geliyaan.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in dagaalka Khasarooyin lagu gaarsiiyay iyadoo la xaqiijiyay in ay Magaalada Xarardheere Meydad iyo dhaawacyo geeyeen.

halka iminka lagu dagaalamay bilo ka hor waxaa ka dhacay dagaalo dhimasho iyo dhaawac ay kula kulmeen Ciidanka Maamulka Federaalka taasina waxay keentay in ay Magaalada dib ugu noqdaan iyagoo niyad jabsan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.