DEGDEG: Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Xerada Atmis Ee Buulomareer.

War degdeg ah oo goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay goor dhow dagaal kula wareegeen xerada ciidanka Atmis ee degmada Buulomareer kadib markii ay weerar kula jarmaadeen xilligii salaadii fajarka kadib.

Ciidamada saldhiga lagu weeraray ayaa ah kuwa Uganda, sida aan xogta ku heleynana waxaa jira khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray shisheeyaha.

Dad kamid ah bulshada Buulomareer iyo ilo milatari ayaa inoo xaqiijiyay in ciidanka Xarakada Al-Shabaab ay xilligan ku sugan yihiin xeradii ciidanka Uganda ee Buulomareer.

Ciidanka Atmis gaar ahaan kuwa Uganda ayaa lagu xasuustaa iney dhibaato lixaad leh ka geysteen degmada Buulomareer ee gobolka Sh/hoose, waxaana ay isku diyaarinayeen iney wadanka isaga baxaan iyagoo faraha dhiig ku leh.

You might also like
1 Comment
  1. Abu mohamed says

    Ilaahow jabi gaal kiyo kuwaa goonya taaga
    Ilaahow gana wayn gayigeena kuduushay
    Garac dool ku imaadiyo gidigoodba nasaaro
    Gam kasii rabiyow gaalku waa cadaw gaage

Leave A Reply

Your email address will not be published.