Degdeg: Atmis oo In Ka Badan 135 Looga Dilay Buulomareer Maxaabiisna Looga Qabtay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si hordhac ah loogu faahfaahiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee saaka lagu qaaday xeradii ciidanka Uganda ay ka daganaayeen degmada Buulomareer ee gobolka Sh/hoose.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in askarta Uganda gabi ahaanba lagala wareegay xerada islamarkaana laga dhigay wax la dilo, wax carara iyo qaar maxaabiis ahaan gacanta loogu dhigo.

Sidoo kale waxay taliska ciidanka XSHM sheegeen in khasaaraha dhimashada ciidanka Atmis uu marayo haatan 137 askari, dhanka kalana ay xerada ka daabusheen agab milatari oo aad u badan, waxayna ballan qaadeen in wixii tafaasiil ah ee soo kordha ay dib kasoo gudbin doonaan insha’allah.

Xeradii lagala wareegay Atmis ayaa waxaa loo fasaxay dadweynaha kuwaasoo gurtay keydadkii raashinka ee ciidanka Uganda iyo qalabkii adeegga ee xerada yiilay.

Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka oo PDF Ah

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.