Dhegeyso Warbixinta Dagaalka Mesega waay iyo khasaaraha ka dhashay.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay 73 ASkeri ku dishay Dagaal Saaka ka ay ku qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka ah oo ku sugnaa Degaanka Mesega waay ee Gobalka Galgaduud iyo Kamiin ay u dhigtay Ciidamo uga soo gurmaday Dhanka Ceeldheer oo ay ku heshay halka la yiraahdo waniinle.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Dagaalkaas ku fuartay lix gaari oo shan ka mid ahu yihiin Nooca Cabdi bilayaasha oo mid waliba Qori dhashiike ah ku xiran yahay iyo Gaari Xamuul ah oo nooca Ciidamada lagu qaado ah.
xog aan helnay ayaa sheegaysa in Xarakadu Xerada Mesega waay ku gubtay Gaari Xamuul ah iyo laba Cabdi bile kuwaasoo intii aanay gubin ay ka furatay laba qori oo nooca dhashiikaha ah.
Halkaan ka dhegeyso War Cabdullaahi soomaali iyo dagaalka masaga waay