Dowladaha Khaliijka Oo Qaati Ka Taagan Daroogada Maamulka Nuseyriyada, & Qaarkood Oo Iska Laaluushay.(Warbixin)

Horraantii isbuucii lasoo dhaafay warbahainta caalamka ayaa mar qura lasoo degdegtay in ururka jaamacadda carabta uu dib soo celiyay xubinimadii nidaamka bishaar al-asad kadib maqnaashiyo 12 sanadood qaatay.

Xoghayaha guud ee jaamacadda carabta ayaa sheegay in dowladda suuriya ka jirta ay dib ugu fadhiisan doonto kursigeedi kaasi oo banaanaa tan iyo sanaddii 2011-kii kolkaas oo dowladaha ururkan ku midoobay ay nidaamka bashaar al-asad ka eryeen jaamacadda carabta sababa laxiriira xasuuqii ay ciidamadiisu ugeysanayeen shacabkii dhigayay kacdoonnada nabad gelyo.

Nidaamka bishaar oo la ogaa wixii uu ugeystay shacabka muslimka sunniga ah ayaa markale kasoo muuqan doona golayaasha ururkan jaamacadda carabta oo ah Urur loo dhisay sidii loo kala geyn lahaa muslimiinta caalamka, waa urur qowmi ah oo ka shaqeeya sidii muslimiinta looga dili lahaa ruuxda midnimada iyo isku gurmashada.

Arrimaha sida aadka ah laysku weydiinayo ayaa ah maxaa xilligan soo dedejiyay in nidaamka bishaar dib loogusoo celiyo ururka. wakaaladda wararka Roytaris ayaa warbixin ay qortay ku sheegtay in qaar badan oo kamid ah dowladaha gacanka khaliijka ay uruclanayaan sidii ay ucaadiyayn lahaayen cilaaqaadka kala dhaxeeya nidaamka nuseyriga ah.

Sababta dowladahani ay ugu dhowaanayaan nidaamkii ay toban sano ka hor aqoonsiga kala laabteen ayaa lagu sheegay isbedelka siyaasadeed ee mandiqadda ka dhacay gaar ahaan heshiiskii ay lagaleen iiraan iyo daroogada uu nidaamka al-asad ku faafinayo mandiqadda.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dowladda sacuudiga ay lacag dhan 4 bilyan oo dollar uballan qaaday Nidaamka suuriya ka jira, wadahadallo dhowr isbuuc socday oo dhaxmaray wasiirada arrimaha dibadda ee dimishiq iyo Riyaad ayaa lagu go’aamiyay in labada dhinac ay heshiis kala saxiixdaan balse mid walba uu masaalixdiisa eegto.

Bishaar ayaa ogolaaday in uu joojiyo soo saaridda daroogada loo yaqaan Kaabtagoon taasi oo ah halis saameyn ku yeelatay dhalinyarada ku dhaqan dalalka khaliijka islamarkaana halis gelisay dhaqalaha dowladahaas.

Daroogadan oo nidaamka suuriya uu bil walba ka faa’iido lacago malaayiin dollar ah ayaa si fudud lagu geliyaa wadamo ay kamid yihiin sacuudiga,imaaraatka carabta,urdun iyo kuwait.

Saldanada cummaan oo daroogadan wadankeeda lagu fatahi jiray ayaa sanado ka hor ka nabad gashay sababa laxiriira iyadoo iska laaluushta nidaamka nuseyriga suuriya.

Sida ay wararku sheegayaan sacuudiga ayaa ogolaaday in diblumaasi ahaan go’doominta laga qaado xukuumadda dimishiq islamarkaana dhaqaalaheeda lagu kaabo lacag dhan 4bilyan oo dollar waa haddii ay joojiso soo saaridda daroogadan halista ah.

Lacagtan 4ta bilyan ah ayaa la sheegay in lagu xallin doono gadoodka ay sameyn doonaan maleeshiyaadka nuseyriga ah ee mas’uulka ka ah soo saaridda daroogada

Sida wararku sheegayaan sacuudiga ayaa lacagtan ku sheegay maalgelin dhanka beeraha suuriya ah taas oo ah xeelad lagu duugayo laaluushka uu siiyay nidaamka nuseyriga.

Wakaalada wararka roytaris oo warbixintan keentay waxay leedahay waxaan xiriiro lasameynay mas’uuliyiin sacuudiyaan iyo suuriyaan ah balse labaduba waa ay diideen in ay ka hadlaan, iyagoo istaagay mowqif dhex dhexaad ah.

Quteyba yaasiin oo ah saxafi suuriyaan ah ayaa sheegay in qorshahan uu ahaa mid lagasoo wada shaqeeyay islamarkaana nidaamka alasad uu gorgortan adag lagalay aalasacuud.

Dhulka xamareynka ee ay ka jirto dowladda Aala sacuud waa suuqa ugu muhiimsan ee daroogada suuriya soo saarta, booliska ayaa bil walba qabta tobanaan tan oo ah daroogada Kabtagoon, dhinacyada sida aadka ah u isticmaalo ee laga ilaaliyo waxaa kamid ah shaqaalaha dowladda sida ciidamada, saraakiisha iyo xataa agaasimayaasha wasaaradaha kuwaas oo sanad walba ku bxiya lacago malaayiin dollar ah.

Dalka imaaraatka ayaa isna daroogadan halis weyn kala kulmaya oo waxaa lagu bixinayaan lacago malaayiin dollar ah.

Dowladda mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay bil ka hor ku sheegtay in bishaar al-asad uu daroogada sanad walba ka helo lacag dhan 54 bilyan oo dollar islamarkaana uu lacagtas wax kasiiyo nidaamka iiraan.

Soo saaridda daroogada ayaa sare usii kacday gudaha suuriya tan iyo markii uu billaawday kacdoonkii guga carbeed, nidaamka ayaa dhoofinta daroogada ka dhigtay aalad uu uga dabaasho cunaqabateymaha lagusoo rogay.

Dowladaha carbeed ee caadiyeeyay xiriirka kala dhaxeeya bishaar al-asad waxaa kamid ah cummaan,imaarataka carabta,masar iyo aala sacuud.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu ururka Jaamacadda Carabta shaaciyay in isbaheysigaas dib loogu soo celiyay xubinnimadii Maamulka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad, ayaa waxay boqallaal ruux oo Suuriyaan ah dhigayaeen dibad baxyo xooggan oo looga soo horjeedo arrintaas.

Maalintii shalay waxaa goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha mucaaradka Suuriya, gaar ahaanna Idlib iyo baadiyahaha magaalada Xalab ka dhacay isku soo baxyo ballaaran oo looga horjeedo qaraarka ay Jamaacada carabta nidaamka Nuseyriyada dib ugu soo celisay xubinnimadii Jaamacadda Carabta uu ku lahaa nidaamkaan dhiigyacabka ah.

Dibad baxayaasha ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah go’aanka uu gaaray ururka Jaamacadda carabta, iyo qaar kamid ah dowladaha carbeed oo dib usoo celiyay cilaaqaadkii ay la lahaayeen nidaamka nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad, iyagoona dalbaday in lasii daayo kumannaanka maxaabiista ah ee sida dulmiga ah ugu xiran xabsiyada nidaamka.

Dadkaan isku soo baxday ayaa gabi ahaanba kasoo horjeestay heshiis waliba oo la lagalo nidaamkaan dhiigya cabka ah ee ku habsaday muslimiinta Suuriya, iyagoona ku baaqay in la taageero kacdoonka ka dhanka ah nidaamka.

“Haddii aan u nimaadno dowladaha carbeed ee dib usoo celiyay cilaaqaadka ay la lahaayeen nidaamka Nuseyriyada, waxaan si cad u leeeyahay, wax rajo ah idinkama sugeyno, kadib markii ay soo dhaweysateen dilaaga shacabka Suuriya” ayuu yiri Sakariye oo kamid dadka dibad baxyada dhigayay.

Qaar kamid ah bulshada reer Suuriya ayaa qaraarka Jaamacadda Carabta ku sifeeyay Khiyaano ka dhan ah dhiiga shuhada, Bashaar Al-Asadna uu yahay nin Mujrim ah oo laayay malaayiin ruux oo Suuriyaan ah.

Axaddii lasoo dhaafay ayay aheyd markii wasiirrada arrmaha dibadda isku waafaqeen, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira, kaas oo uu shir gudoomiyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar Saamix Shukri, in nidaamka Nuseyriga dib loogu soo celiyo xubinnamadii uu ku lahaa jaamacadda Carabta.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Aala-Sucuud iyo Daroogada Suuriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.