In Ka Badan 20 Ruux Oo Ku Dhintay Doon Dalxiis Oo Ku Degtay Xeebaha Hindiya.

Wararka ka imaanaya dalka Hindiya ayaa ku waramaya in xeebaha dalkaasi ay ku qaraqantay dooni ay la socdeen dad dalxiisayaal ah, iyadoona lasoo sheegayo khasaare nafeed oo ka dhashay shilkaan.

Ugu yaraan 22 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen doontaan ku degtay xeebaha gobalka Kirala ee koonfurta dalka Hindiya, sida ay shaaciyeen madax katirsan xukuumadda New Delhi iyo warbaahinta maxalliga ah.

Waxaa la la’yahay tiro dad ah oo kamid ahaa dalxiisayaashii saarnaa doontaan ku degtay xeebaha dalka Hindiya, iyadoona illaa iyo iminka ay socdaan howlo lagu baadi goobayo dadka la la’yahay.

“Waxaan soo saarnay meydadka 22 ruux, kuwaas oo 15 kamid ah ay haween yihiin, sidoo kale ku dhawaad 6 ruux ayaa loo qaaday isbitaalka, howlaha samata bixinta ahna wey socdaa” ayuu yiri sarkaal katirsan boliska Mandiqadda oo la hadlay warbaahinta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 11 kamid ah dadka ku dhintay dhacdadaan ay ahaayeen dad kasoo wada jeeda hal qoys, kuwaas oo 3 kamid ah ay caruur ahaayeen.

Ra’iisal Wasaaraha dowladda Hindiya Narindara Muudi ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku muujiyay, sida uu uga xun yahay dhacdadaan ay ku dhinteen dadka dalxiisayaasha ah.

“Waxaan aad ula xanuunsanay khasaaraha nafeed ee ka dhashay doontii ku qallibantay xeebaha gobalka Kirala, waxaan taczi u dirayaa ehellada dadka dhintay, qof waliba oo dhintana qoyskiisa waxa uu xaq u yeelan doonaa magdhaw” ayuu Muudi ku yiri qoraalkiisa.

Illaa iyo hadda ma cada sababta rasmiga ah ee ka dambeysa doontaan ku qallibantay xeebaha dalka Hindiya, waxaana socda baaritaanno ku aaddan arrinkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.