Ingariiska Oo Billaabay Qorshe Uu Ku Tarxiilayo Dadka Soo Galootiga Ah.(Warbixin)

Dowladda Ingariiska ayaa ku jaha wareersan siidii ay ka yeeli leheed dadka soo galootiga ah ee kusoo qul qulaya gudaha dalkeeda, kuwaas oo iminka buux dhaafiyay dalkaas, taas oo keentay in xukuumadda London ay qaadato go’aan lagu kala yareynayo dadka soo galootiga ah ee ka imaanaya qaar kamid ah wadamada caalamka.

Iyadoo ay dhibaatooyin kala duwan ka jiraan gudaha dalkaan, ayay haddana dowladda Ingariiska kol sii horreysay xayiraadihii ka qaaday dadka soo galootiga ah, taas oo qeyb ka ah sidii lagu soo nooleyn lahaa dhaqaalaha sii hoobanaya ee dalkaas, arrintaan ayaa waxaa si adag kaga hor yimid xubnaha mucaaradka iyo wasiiro ay kamid yihiin kan arrimaha gudaha iyo kan ganacsiga ee dalkaas, kuwaas oo kasoo horjeestay qorshahaas ay kol sii horreysay qaadatay xukuumadda, balse waxay isku waafaqsanaayeen in maslaxada dalka la fiiriyo, maadaama ay wajahayaan dhibaatooyin dhaqaale.

Go’aankaas kadib waxaa billawday in kumannaan ruux oo soo galooti ah ay kusoo qul qulaan dalkaan, kuwaas oo isaga kala yimid wadamada ku yaalla qaaradaha Aasiya iyo Africa, mar kale ayay haddana xukuumadda London culeysyo kala kulmeysaa go’aankii ay horay dalkeeda ugu fasaxday iney soo galaan qaxootiga, kolkaas oo ay dano gaar ah ka laheyd, balse iminka ay dareemeyso culeeska ka dhashay arrinkaan.

Tani ayaa keentay in dowladda Ingariiska ay qaadato go’aan ka duwan midkii hore, Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Biriting ayaana qaadatay, go’aan ay dalkeeda kaga tarxiileyso dadka soo galootiga ah ee buux dhaafiyay waddanka, kuwaas oo loo daabulayo wadamo ku yaalla qaaradda Africa oo uu ugu horreeyo dalka Ruwanda ee ku yaalla qaaradda Africa.

Waxaa la yaableh in dadka la tarxiilayo ay kamid yihiin xubno horay uga tirsanaa xukuumaddii bur burtay ee dalka Afghanistan, kuwaas oo la shaqeynayay isbahaysigii ay horboodeysay dowladda Mareykanka, kaas oo ay qeyb ka aheyd dowladda Ingariiska, balse markii lagu daneystay kadib ayay hadda la kulmayaan dayacaad kaga imaaneysa dowladihii ku shaqeysanayay.

Saraakiil katirsan Ingariiska, siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa si adag uga hor yimid, go’aan ay gaartay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda London, kaas oo ku aaddanaa in duuliye hore oo katirsanaa ciidamadii cirka ee xukuumaddii daba-dhilifka aheyd ee Afghanistan loo musaafuriyo dalka Ruwanda, iyadoo mar marsiiyo ka dhigeneysa inuu dalka Ingariiska ku yimid mid kamid ah doomaha ay istaacmaalaan dadka sida sharci darrada ah kusoo gala dalkeeda.

Waregeyska The Independent ee kasoo baxa dalka Ingariiska ayaa warbixin uu qoray waxa uu ku sheegay, in hoggaamiyaha kiniisadda magaalada Liverpool ee dalka Ingariiska uu tibaaxay inuu jiro waajib Akhlaaqi ah, kaas oo ay xukuumadda Biring nabad galyo ku siineyso duuliyahaan hore ee katirsanaa xukuumaddii camiilka aheyd ee Afghanistaan, ayna dowladdu sameyso ficil haboon, islamarkaana tasxiixin ku sameyso qaraarkaan qallafsan ee ay gaartay.

“Xaaladda uu ku sugan yahay dagaal-yahankii hore ee Afgaanistaan, waxay muujinaysaa dhibaatada ay dawladdu samaysay, iyada oo dhammaan dadka ku yimid doomaha yar yar ay ula dhaqanto sidii dambiilayaal oo kale” ayuu yiri madaxa kaniisaddaan ku taalla Magaalada Liverpool ee dalka Ingariiska.

Waxa uu intaa ku daray iney waajib tahay in duuliyahaan hore loo ogolaado inuu sii joogo dalka ingariiska, si siyaasad ahaan looga faa’iideysto, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in uu aaminsan yahay, aragtida ah in loo adeego islamarkaana si shuruud ahaan ah lagu soo dhaweeyo dadkii horey ula shaqeynayay dowladda, loona ogolaado iney sii joogaan dalka, ayna nolol fiican ku helaan halkaas.

Sidoo kale maamulaha hey’ad isku xirta macaabidda ay kooxaha Siikhiyiinta ah ku leeyihiin dalka Ingariiska ayaa isana weerar xagga afka ah ku qaaday xukuumadda London, isagoona ku eedeeyay iney qaadatay siyaasad qallafsan, marka laga hadlayo mangalyo siinta dadka soo galootiga ah, waxa uuna ninkaan si adag u dhaleeceeyay qorshaha ay iminka dowladdu wado ee ay ku dooneyso iney dadka soo galootiga ah ugu tarxiisho Ruwanda.

Arrinta sida adag ay u difaacayaan baadariyaasha iyo madaxda kaniisadaha ee dalka Ingariiska ayaa ah, in la dayaco daba dhilifyadii hore ee dalka Afghanistan, waxayna soo jeediyeen in dowladdu ay dib u eegis ku dameyso nidaamkeeda ay ku wajaheyso dadka soo galootiga ah, si gaar ah dagaalyannadii hore ee Afghanistan, kuwaas oo ay sheegeen iney waajib tahay in indhaha laga laabto sifo waliba oo ay ku yimaadeen dalka Ingariiska.

Waregeyskaan kasoo baxa dalka Ingariiska ayaa sheehay, in duuliyahaan hore uu ka qeyb qaatay howlgallo mellatari oo ka dhan ah Imaarada isklaamiga ah ee Afghanistan, illaa lagu tilmaamo inuu ahaa xarig adag oo udub dhexaad u ah xulafadii duullaanka ku qaaday dalka Afghanistan, balse hadda camiilkaan ayaa dareemaya in gabi ahaan la iska hilmaamay, gaar ahaan dowladda Biriting oo uu magan-galyo usoo raadsaday, waana abaalka daba dhilif waliba oo la shaqeeya shisheeyaha kusoo duulay wadamada Islaamka, diintiisana ku iibsada shilimaad yar.

Hogaamiyayaasha Siyaasadda, iyo saraakiisha mellatariga Ingariiska ee dhaleeceeyay arrintaan waxaa kamid ah Janaraal hore oo katirsan xukuumadda London, waxayna dhammaantood si cad u sheegeen iney waajib tahay in duuliyahaan looga faa’iideysto qibradihiisa dagaal, maadaama uu kamid yahay kuwii sida gaarka ah ula soo shaqeeyay dowladdooda, intii uu socday dagaalka Afghanistan.

Go’aanka Ingariiska kuma koobna duuliyahaan oo kaliya, balse waxa uu saameynayaa dhammaan dadka soo galootiga ah ee ku sugan dalka Ingariiska, kuwaas oo ay hadda xukuumadda London qorsheyneyso iney u tarxiisho dalka Ruwanda ee qaaradda Africa.

Waxaa dalka Ingariska ka dhacay dibad baxyo xooggan oo ay dhigayaan xubnada xisbiyada siyaasadeed ee ka dhisan dalkaas, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan go’aankaan cusub, balse haweeneyda ah wasiiradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa si cad u sheegtay, iney waajib tahay meel marinta qaraarkaan, iyadoona xustay iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhaqan galin doonto siyaasadda tarxiilka ah.Cod

Dowladda Ingariiska ayaa sameysay Hoteello waaweyn oo ay ku qaabisho dadka soo galootiga ah, markii ay qaadatay go’aankii hore ee ahaa iney albaada u furtay dadkaas, mid kamid ah dadka ku sugan hoteelladaan ayaa sheegaya in dowladda ingariiska ay ku fashilantay ilaalinta iyo in dadka soo galootiga ah ay siiso xuquuqdooda.

Siyaasadda dowladaha reer-galbeedka ayaa ku dhisan daneysi, waxaana tusaale muuqda u ah go’aannada iska soo horjeeda ee ay qaadatay dowladda Ingariiska, taas oo markii hore ugolaatay in dalkeeda ay soo galaan dadka soo galootiga, xilligaas waxaa dalkaan ka jiray azmooyin kala duwan, waxaana sii hoobanayay dhaqaalaha dalka, soo dhaweynta dadkaas ayaana xilligaasi aheyn mid ixsaan ah, balse waxaa ku hoos duugnaa dano gurracan.

Iminka ayuu bannaanka yimid wajiga dhabta ah ee go’aankii hore, waxaana aragnaa in Ingariiska uu go’aansaday inuu dalkiisa ka musaafuriyo dadkii uu horraan magan-galyada usiiyay, waxaana la yaableh in xittaa go’aankaan aysan ka bad baadin cumaladii horay ula shaqeyn jiray dowladda Ingariiska.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Ingariiska Oo Billaabay Qorshe Uu Ku Tarxiilayo Dadka Soo Galootiga Ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.