Khabiir Dhanka Ciidanka Ah oo Qiimeeyay Weerarkii Buulomareer.

Korneyl Cabdulqaadir Axmad Nuur oo kamid ah saraakiishii hore ee Soomaaliya ayaa isdultaag ku sameeyay weerarkii cuslaa ee ay saaka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta kula wareegeen xeradii ciidanka Uganda ee Buulomareer, Sh/hoose.

Isagoo la hadlayay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa waxa uu sheegay in wixii ku dhacay ciidankaasi ay sababi doonaan iney gabi ahaanba soo afjarmaan dhibaatooyinkii ay shisheeyuhu ku hayeen wadanka Soomaaliya.

Marka uu sidaa leeyahay wuxuu wax ku qiimeeyay khasaariha lixaadka leh ee soo gaaray ciidanka Uganda, sida dhimashada faraha badan, maxaabiista laga qabtay iyo hubka kala duwan ee laga furtay kuwaasoo dhammaan sawirradooda lasoo bandhigay.

“Haddii dadka intaa la eg ay ku dhinteen, dee waxaan isleeyahay waxaa soo afjarmi doona wixii Soomaaliya ay ka hayeen oo ma aragtay hawlgallada ahaa oo awalba ay ku leynayeen dadka shacabka iyo masaakiinta oo gardarrada ahaa, wixii iyaga ahaa ayaa soo afjarmayoo inta kale iney badbaadiyaan oo daldalaan ayaa dhici doonta, saasaan isleeyahay aniga” ayuu yiri Korneylka.

Marka laga yimaado in ciidanka Xarakada Al-Shabaab ay ku dagaalamaan caqiido islaami ah oo u suura galineysa ineysan cadawgooda marnaba ka waaban, ayuu dhanka kale Korneylku sheegay in ciidamada shisheeye ay ku dhib qabaan weerarada Istish-haadiyada ah (Nafhurka ah) oo uu ku tilmaamay iney yihiin kuwa ugu daran ee khasaaraha iyo burburka u geysta xeryaha shisheeyaha iyo kuwa DF, sida maantaba ka dhacday Buulomareer.

“Barnaamijkaan hadda galay xerada oo ah qaraxyada iyo Istish-haadiyada illaa hadda adduunku xal uma hayo, waxaan kaloo dhan waxbaa loo diyaariyay, diyaarad gantaal baa loo diyaariyay, gantaalka lasoo rido gantaal kale oo ka hor taga ayaa loo diyaariyay, raadaarro waxbaa la sameeyay, laakin illaa hadda adduunku wuxuu xal u heli la’yahay istish-haadiya, li-anna qof socda oo bani’aadam ah oo adigoo kale ah oo ku dilaya, gaaladu arrintaas xal bey u la’yihiin illaa hadda wax daawo ah uma hayaan” ayuu yiri Corneyl Cabdulqaadir.

Wuxuu tibaaxay in xalka kaliya ee loo hayo dagaalada noocan ah uu yahay in dulmiga iyo xadgudubka laga daayo dadka muslimiinta ah, haddii kalana cawaaqib xumada ka dhalanaysa mar walba ay noqon doonto khasaare badan oo aan la mahdin oo shisheeyaha gaara iyo in lasoo afjaro guutooyinka ciidankooda ee xeryaha deggan.

Hadalka Korneyl Cabdulqaadir ayaa kusoo aadaya iyadoo khubarro reergalbeed ah ay horey u sheegeen in aan laga hortagi karin weerarada jihaadiyiinta gaar ahaan kuwa nafhurnimada ah haddey ahaan lahaayeen gaadiidka miineysay ee shisheeyaha lala beegsado iyo xoog ku gallada lagu sameeyo xeryahooda. Weerarkii Buulomareer ee lagu soo afjaray ciidankii Uganda ayaa aad looga hadal hayaa dalka iyo dibaddaba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.