KOBO KA TUKADE “Dowladda Federaalka ah Isbaaro ka suuli waa Dudun carro ka dhaq”

Waaliga Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in Dowladda Federaalku aanay jiri karin haddii isbaaradooyinka ciidankeedu dadka ku dhacaan kuna dilaan haweenkana ku kufsadaan la qaado.

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Koba ku tukade oo ah Waaliga Shabeelaha dhexe u qaabilsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin  ayaa Sheegaya in Isbaarooyinka Shabeelaha dhexe u yaalaan intii ku soo duushay Shareecada Islaamka cidda ugu horeysa ee ka faa iideysan  ay tahay Maraykanka oo ka soo horjeeda in Diinta Islaamka lagu dhaqmo Bulshaduna ay kala nabad Galaan.

Ciidamada iyo Mooryaanta la soo dagaal geliyay ayuu sheegay in aanuu jirin Mashruuc dhaqaale oo loogu tala galay oo aan Isbaarada ahayn asigoo hoosta ka xariiqay in lacagtii shisheeyuhu dhiibay ee Duulaankii Sanadkii hore soo bilowday loogu tala galay Madaxdu kala boobeen oo la kala xawishay,

 

Koba ku tukade waxa uu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka  Xasan Sheekh Maxamuud aanuu qaadi karin Isbaarooyinka u yaal Mooryaan hore ahna Taliye ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Korneyl Saney Cabdulle sababtoo ah buu yiri Ciidamada Isbaaradu u taal ayaa ah kuwii u sababta ahaa in uu Kursiga Madaxweynanimada Mar kale ku fariisto.

 

“Dowladda Federaalka ah Isbaaro ka suuli waa Dudun carro ka dhaq” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Koba ku tukade  si si qota dheer uga hadlay Isbaarooyinka Muslimiinta Masaafurka ah lagu dhibo ee daadsan Shabeelaha dhexe,

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.