Kolonyo American Ah Oo Lagu Weeraray Koonfur Bari Dalka Nigeria+Khasaaraha.
Wararka ka imaanaya galbeedka qaaradda afrika ayaa ku waramaya in dablay hubeysan ay weerar jid gal ah la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen shaqaale ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee wadanka Nayjeerya.
Weerarka oo ahaa mid lasoo qorsheeyay ayaa ka dhacay Koonfur Bari ee wadanka Nayjeerya, waxaana inta la xaqiijiyay lagu dilay afar xubnood oo kala ah laba askari oo katirsaa ciidanka amaanka dowadda Nayjeerya iyo labo ka mid ah shaqaalaha qunsuliyadda Mareykanka sida ay sheegeen booliska deegaanka iyo saraakiil ka tirsan Aqalka Cad.
Afhayeen u hadalay booliiska degaanka ayaa sheegay in dadka dhintay ayan ku jirin wax muwaadiniin Mareykan ah wuxuuna tilmaamay in dableyda ay dileen “labo ka tirsan ciidanka booliska gaarka ah iyo labo ka tirsan qunsuliyadda Mareykanka,” ka hor inta aysan gubin gaarigii ay wateen.
Afhayeenku wuxuu sheegay in goobta la geeyay ciidamo isku dhaf ah oo suga ammaanka, balse dableyda ay u suuragashay inay af-duubtaan laba nin oo kala ah askari iyo mid ka mid ah dawadalada waday kolonyada la bartilmaameedsaday.
Afhayeeno u kala hadlay golaha ammaanka qaranka Mareykanka iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in kolonyo Ameerikaan ah oo ku sugan dalka Nigeria la weeraray, iyagoona carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray muwaadin Mareykan ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo war ka soo saartay weerarka ayaa tilmaamtay in Shaqaalaha howlgalka Mareykanka ee dalka Nigeria ay ka qayb qaadanayaan baaritaanka laamaha ammaanka dowladda Nigeria ee ku aadan qaabka uu u dhacay weerarka lagu beegsaday kolonyada Ameerikaan ah.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid si rasmi ah sheegay mas’uuliyadda weerarkaan balse dowladda Nayjeerya waxay weerarka ku eedaysay Koox gooni u goosadka ah oo dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaanadaasi, kuwaasi oo kordhiyay weerarada ay geysanayaan sanadihii ugu dambeeyay, kuwaas oo inta badan weeraro hubaysan la beegsada ciidamada Booliska iyo xarumaha dowladda.