Maamulka Yuhuudda Oo In Ka Badan 10 Ruux Ku Dilay Duqeyn Ka Dhacday Magaalada Qaza.
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeymo xooggan oo ay diyaaradaha Maamulka Yuhuudda ka geysteen Magaalada Qaza ee ku hoos jirta gumeysiga Yuhuudda.
Afhayeen uhadlay ciidanka Yahuudda ayaa sheegay in ay qaadeen howlgal ka dhan ah kooxda Jihaadul Islaami gaar ahaan Saraayal Qudus, oo kamid ah kooxaha Muqaawamada ee Filastiiniyiinta.
Xarakada Jihaadul Islaami ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in 3 kamid ah hoggaamiyaashooda lagu dilay weerarka Yahuudda halka tira kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Saraakiisha ladilay ayaa kala a Jihaad Al Qanaam, Daariq Max’med Ciz iyo Khaliil Al Buheyti, dowladda dabadhilifka Masar ayaa wax ka ogeyd duqeymahan laayaanka ah ee saaka ka dhacay jiidda Qaza sida uu sheegay maamulka Yahuudda “ka hor inta aanan howlgalka fulin ayaan dowladda Masar lawadaagnay magacyada xubnaha argagaxisada ee aan beegsanayno iyo bartilmaameedyada laduqeynayo” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Yahuudda.
Weerarkaan ayaa ahaa mid wuxuushnimo ah, waxaana marka laga yimaado 3-daan hogaamiye duqeymaha ku dhintay 9 ruux oo kale, halka ay ku dhaawacmeen 20 ruux.
Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay duqeymaha ayaa u badan haween iyo caruur, waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaaf ee qaar kamid ah dhaawacyada.
Xarakada Jihaadul Islaami oo kamid ah kooxaha Muqaawamada ee Filastiiniyiinta ayaa ku goodisay iney jawaab ka bixin doonto weerarkaan foosha xun ee ay diyaaradaha Yuhuudda ka geysteen Magaalada Qaza ee ku hoos jira gumeysiga Yuhuudda.
Malamihii lasoo dhaafayba waxay ciidamada Yuhuudda xasuuqyo kala duwan ka wadeen magaalooyinka ku yaalla daanta galbeed, iyagoo dilay tobannaan ruux oo Filastiiniyiin ah, islamarkaana bur buriyay dhismayaal ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah.