Museveni: “Ciidankeena Wey Argagaxeen Al-Shabaab Ayaana Ka Faa’iideystay”
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii cagta lagu mariyay ciidankiisii heystay degmada Buulomareer ee gobolka Sh/hoose.
Kadib muddo laba maalmood ah oo uu ka aamusnaa dhacdadaas aadka u weyn ayaa wuxuu qiray in ciidankiisa loo awood sheegtay islamarkaana la burburiyay xeradii ay ku sugnaayeen.
Ma uusan faahfaahin inta uu la egyahay khasaaraha dhimasho, sidoo kale kama uusan hadal maxaabiista dagaalka ee laga qabtay, laakin wuxuu mas’uuliyadda wixii halkaa ka dhacay dusha uga tuuray askartiisa.
Hadalkan oo uu soo dhigay Twitter-ka ayaa wuxuu ku dhaliilay ciidankiisa oo uu ku eedeeyay iney qalqaleen markii lasoo weeraray taasina ay fursad fiican siisay sida uu hadalka u dhigay milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay iney ahaayeen kuwa aad u badan.
“askartii halkaas ku sugnayd qaarkood ma aysan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, waxayna ku dhaceen argagax, taas waxay keentay iney is habeeyaan, Al-shabaab ayaana ka faa’iideystay” ayuu yiri Museveni.
Warkan ayaa kusoo aaday iyadoo bulshada reer Uganda uu gaaray khabarka rasmiga ah ee dagaalka sidoo kalana ay indhahooda ku arkeen meydadka wiilashooda iyo kuwa maxaabiits looga qabtay, waana sababta keentay in uu laba maalmood kadib arrinta ka hadlo.
Shacabkiisa walwalsan ayaa waxa uu niyadda ugu dhisay hadallo uu ku muujinayo in ujeedada ay Soomaaliya u aadeen ciidankiisu tahay iney wax dilaan ama lasoo dilo, wuxuu meesha ka saray eedaha uga imanaya siyaasiyiinta dalkiisa ee ah in ciidankoodu u dhimanayaan lacago yar oo ay bixiyaan Qaramada Midoobay, reer Yurub iyo Mareykanka.
“Hawlgallada Soomaaliya iyo masraxyada kale waa hawlgallo dagaal ee ma ahan hawlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka qaramada midoobay” ayuu yiri: isagoo markaa si duur xul ah dadkiisa ugu sheegaya in ciidanka UPDF ay Soomaaliya ugu dhimanayaan qadiyad iyo mabaadii’.
Madaxweynaha Uganda ayaa mar walba oo ciidankiisa lagu laayo Soomaaliya isku daya inuu marmarsiyo u raadiyo, sannadkii 2015 weerarkii lagu soo afjaray askartiisii ku sugnayd degmada Jannaale wuxuu ugu qiil dayay iney hurdayeen markii lasoo weerarayay iyadoo la ogyahay in askarta shisheeye aan loo keenin iney ku hurdaan Soomaaliya.
Oday joof xun iyo madax jugley joqore yugaandhiisa
Jisadoodi weeyee hadii jiibku kuhinraagay
Jahaad iyo kifaax wiil ahi joofka kabireeyey
Jahabamona loo dhaadhacshoo naartu jaran doonto
Jirku miyuu ii xanuunaa kufaar lagu jarmaadaayo
Junuudii ibliiskiyo axmaar jaadki gaaloo dhan
Jaan ciidayada kii dhigaa waan jarjaraynaaye
Jahanamo lagee maanunihin jees walaalaahe
Jirab iyo ciqaab inay mutaan saw jisadi maaha
Junuudii islaam kiyo ragaa jananka tawxiida
Jidka ay maraayaan rabow jeer walbaw toosi
Jihaad iyo kifaax bay galeen jeer u bay lahaye
Jisadood firdawsiyo kayeen duulal kula jaara
Jahanamo lagee sandiiqoo kufrigu jeeb wax ugu tuuray
Jaraafay nayoo yaacayaa jooga waa yahane
Wadaada kufriga daba jaraa ee jihaad fdiiday
Ee jeebka oo qura rabiyo jiifka iyo raaxo
Kajajabi kobaan jabid kamayn julubka shaydaan