Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Xooggan Ee Udhexeeya Murtazaqada Fagnar & Ciidanka Ruushka.? (Warbixin)
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si’aad ah la iskula dhex marayay khilaaf xooggan oo la sheegay inuu ka dhex qarxay Maleeshiyaadka Murtazaqada Fangar iyo ciidanka mellatariga Ruushka, kuwaas oo hal saf kaga soo horjeeday ciidanka Ukraine iyo reer-galbeedka, dagaallo culus oo askar badan ay ku waayeenna ay la galeen ciidamada xukuumadda Kiev.
Iyadoo dagaalka ka soconaya Magaalada Bakhmut uu galay bishii 11-aad oo xiriir ah, ayaa waxaa dhanka kale soo shaac baxaya, khilaafka xooggan ee ka dhashay dagaalkaan faraha looga gubtay, kaas oo ka dhex qarxay ciidamada mellatariga Ruushka iyo Maleeshiyaadka iyaga taabacsan ee ay ugu horreeyso Shbakadda Fangar, taas oo uu hogaamiyaheeda dhawaan eedeymo culus u jeediyay taliska mellatariga xukuumadda Moscow, isagoona ku dhaleeceeyay iney ku khudlaamiyeen ama ku hagradeen dagaallada ay kaga jiraan dalka Ukraine.
Mudooyinkii u dambeeyay ayuu khilaafku gaaray heer uu hogaamiyaha Fagnar ku hanjabo in uu Maleeshiyaadkiisa ka saari doono difaacyada ay kaga jiraan Magaalada Bakhmut, ayna ku wareejin doonnaan ciidanka shiishaaniyiinta ah ee iyana halkaa ka dagaallamaya, ka hor inta uusan dib uga laaban arrintaas, mana ahan markii ugu horreysay oo hogaamiyaha Murtazqada Fagnar uu weerar ku qaado hoggaamiyeyaasha ciidamada xukuumadda Moscow, halka dadka indha-indheeya arrimahan ay dhaleeceyntan la xiriiriyaan hanka siyaasadeed ee hogaamiyaha Maleeshiyaadka Fagnar.
Hadaladdii ugu dambeeyay ee uu jeediyay hogaamiyaha Fagnar maalintii talaadada ee lasoo dhaafay ayuu eedeyn culus ugu jeediyay taliska ciidamada Ruushka, isagoona ku wargaliyay iney joojiyaan taageerada ay siinayaan Maleeshiyaadkiisa, ayna isaga cararaan furimaha dahaalka ee u dhaw magaalada Bakhmut ee ku taalla bariga dalka Ukraine.
“Maanta wax walba waa la sameynayaa si jiidda hore ee furinta Bakhmut u burburto, maanta, mid ka mid ah cutubyada Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka cararay mid ka mid ah garbahayadeenna, iyagoo uga tagay bannaan cidlo ah” ayuu yiri hogaamiyaha Maleeshiyaadka Fagnar ee uu Ruushku taba bartay.
Hogaamiyaha Fagnar ayaa muuqaal Vedio ah oo uu ku baahiyay chanelka uu ku leeyahay Telegtamka ku dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray nacasnimada hogaanka ciidamada Ruushka isagoo yiri: “Waajib ma ahan in hal askari uu u dhinto sabab ku aaddan nacasnimada aan xadka laheyn ee hogaamyayaasha ciidanka Ruushka, Awaamiirta ay askartu ka helayaan taliyayaasha waa dambiyo dhameystiran.”
Isagoo ay dhinacyadiisa jiifaan tobannaan kamid ah maleeshiyaadkiisa, islamarkaana ay qaarkood dhiig baxayaan ayuu hogaamiyaha Murtaqazada Fagnar iska soo duubay muuqaal uu si adag ugula hadlayo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Ruushka, kuwaas oo uu ku eedeeyay ineysanba ka warheyn nafhurka ay sameynayaan Maleeshiyaadkiisa, taas badalkeedana ay isaga raaxaseysanayaan xafiisyadooda.
Hadalka kasoo yeeray hogaamiyaha Maleeshiyaadka Fagnar ayaa waxaa ka jawaabay Ramadaan Qafiiroof oo ah madaxweynaha xukuumadda Shiishaan, sidoo kalena kamid ah hogaamaiayaasha sida aadka ah u taageeraya dowladda Ruushka.
Qadiiroof ayaa hogaamaiayaha Fagnar ku dhaleeceeyay in iyadoo caalamka oo idil uu daawanayo uu suurad foolxun ka bixiyay duullaanka ay dowladda Ruushka kaga jirto dalka Ukraine, waxa uuna carrabka ku adkeeyay inuu u diyaar garoobay sidii uu ciidamo badiil uga noqda Fagnar ugu diri diri lahaa Magaalada Bakhmut, isagoo xusay in wasaradda difaaca ee Ruushka aysan ciidankiisa si deg deg usoo taageerin markii ay ka dagaallmayeen dalka Ukraine.
Ninka ugu sarreeya Murtazaqada Fagnar ayaa goor dambe ka laabtay go’aankii uu gaaray ee ku aaddanaa inuu maleeshiyaadkiisa kala baxayo furinta Magaalada Bakhmut, kadib markii wasaaradda difaaca ee Moscow ballan qaaday iney siin doonto rasaasta lagama maarmaanka u ah iney sii wadaan dagaalka.
Ma aha khilaafkii ugu horreeyay ee ka dhex billawda dowladda Ruushka iyo Maleeshiyaadka ay iyadu sameysatay ee Fagnar, bishii febraayo ee lasoo dhaafay, madaxa Fagnar waxa uu wasaaradda difaaca ee xukuumadda Moscow ku eedeeyay khiyaano ka dhan ah ciidankiisa, kolkaas oo uu sheegay in wasaaraddu ay diiday in hub iyo sahay mellatari ay u dirto dagaalyahannadiisa ku sugan furimaha hore ee dagaalka gaar ahaan bariga Ukraine.
Xafiiska warfaafinta ee hogaamiayaha Fagnar ayaa kolkaas baahiyay sawirro muujinaya tobannaan kamid ah maleeshiyaadkiisa oo uu sheegay iney u geeriyoodeen sababo ku aaddan rasaas la’aan, isagoona eedda arrintaas dusha kaga tuuray madaxda ciidamada Ruushka oo uu tilmaamay in looga baahnaa rasaas ku filan ciidanka, si cad ayuuna u sheegay in la bur burinayo shabakaddiisa, maadaama lagu sameeyay khiyaano qaran, khasaa’ir kala duwan oo naf iyo maalbana leh ay kala kulmeen dagaallada ay kaga jiraan furimaha Magaalada Bakhmut.
Wasaaradda difaaca ee xukuumadda ee Moscow ayaa gabi ahaanba beenisay warkaas, bayaan ay soo saartay ayayna ku faah faahisay rasaasta iyo agabyada mellatari ee ay siiyeen waxa ay ugu yeertay “Kooxaha Mutawiciinta ee weerarka wada”, waana magaca ay mellatariga Ruushka u yaqaanaan Maleeshiyaadka calooshood-ushaqeysataasha Fagnar.
Hadaba khilaafku ma waxuu salka ku hayaa rasaas yari oo kaliya, mise waxaa jira arrimo kale oo ay isku heystaan Ruushka iyo Fagnar?, waxaa su’aashaasi ka jawaabaya Yafghiini Sidroof oo ah qoraa iyo baare siyaasi ah oo ku sugan Magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.
Khilaafkaan ayaa dhabar jab xooggan ku ah dowladda Ruushka oo muddo ka badan sannad dagaal culus kaga jirta dalka Ukraine, maadaama mid kamid ah tiirarka dagaalkeeda oo ah Murtazaqada Fagnar uu iminka khilaaf xooggan ka dhex qarxay.
Sannad dagaal ah kadib, warbixinno sirdoon oo kasoo baxay Mareykanka ayaa daaha ka rogay, in Shabakadda Fagnar ay khasaaro nafeed oo baaxad leh la kulantay, sida uu sheegay Jhon Kerbi oo ah Isku-duwaha Isgaarsiinta Istiraatijiyadeed ee Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka, waxayna warbixinnadu tibaaxayaan, in tirada dhimashada ee Maleeshiyaadkaan ay gaartay 9000 oo askari, kuwaas oo kala bar la dilay intii lagu guda jiray bilaha January iyo febraayo, halka dhaawacooduna ay ku sheegeen 21-kun oo askari.