Nusratul Islaam Wal-Muslimiin Oo Howlgallo Kala Duwan Ka Fulisay Maali & Burkinafaso.(Warbixin)

Mujaahidiinta Jamaacada Jamaacada Nisratul Islaam Wal Muslimiin ayaa weeraro xooggan waxa ay ka fuliyeen gudaha dalalka Maali iyo Burkinafaso, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada xukuumadaha ka taliya dalalkaas, iyo Maleeshiyaadka Murtaqada Fagnar ee uu Ruushku soo taba bartay, waxaana weeraradaan ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray ciidamada iyo Maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha ah.

Illaa 7 howlgal oo isugu jira kuwa toos ah, qaraxyo iyo kamaa’in ayay Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen askarta xukuumadda Maali, Mu’assasada AzZallaaqah oo ku hadasha afka Jamacaadaan jidaahiga ah ee ku xiran urur weynaha Al-Qaacida ayaana baahisay, qoraallo kooban oo ay ku faahfaahisay nuucyada ay ahaayeen howlgallada iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

Howlgalka ugu horreeya ayaa ahaa 3 weerar oo isku xig xigay, kuwaas oo ay Mujaahidiinta la beegsadeen askarta xukuumadda Maali oo ku sugnaa magaalada Niyoono ee ku taalla gobalka Siiqu.

Maalintii khamiista oo ay taariikhda hijriyada ku beegneed 21-ka bisha Shawaal ayuu dhacay weerarkaan, waxaana lagu dilay ugu yaraan 9 askari oo katirsan ciidanka xukuumadda Maali, halka wixii soo harayna ay caga wax ka dayeen.

Mujaahidiinta ayaa waxay weerarkaan kusoo furteen hub iyo agabyo mellatari, warka kasoo baxay Nustaratul Islaam Wal Muslimiin ayaana lagu sheegay in weerarkaan ay Mujaahidiinta kaga shahiideen 3 dagaalyahan.

Weerarka 2-aad oo isana dhacay 22-kii bisha Shawaal ayay Mujaahidiintu ku qaadeen bar koontarool oo ay ku sugnaayeen askarta xukuumadda Maali oo ku taalla gobalka Mobiti ee dhaca bartamaha Maali.

Ugu yaraan hal askari ayaa lagu dilay weerarkaan, waxayna Mujaahidiinta bur buriyeen 2 gaari iyo mooto ay ka carareen ciidanka xukuumadda, waxaana intaa dheer oo ay soo furteen hub iyo agabyo mellatari.

Mu’assasada AzZallaaqah ayaa baahisay sawirrada Ghanaa’imta ay Mujaahidiinta kusoo furteen labadaan howlgal ee ka dhacay goballada Mobiti iyo Siiqu ee gudaha dalka Maali.

Isla maalintii jimcaha ee ay taariikhdu Hijrigu ku beegneed 22-ka bisha Shawaal, waxay ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin weerar qarax ag ku bur buriyeen gaari ciidan oo ay wateen askar katirsan xukuumadda Malai.

Weerar kale oo toos ah ayay Mujaahidiinta la beegsadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen askar katirsan xukuumadda camiilka ah ee Maali, waxa uuna weerarkaan si gaar ah uga dhacay degaanka Naara ee dalka Maali, waxaana weerarkaan lagu dilay 2 askari.

Inta u dhexeysa tuulooyinka Naara iyo Kaloomba waxay Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin ku qarxiyeen gaari gaashaaman oo ay wateen maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha Fagnar, waxaana gabi ahaanba bur buray gaariga.

Weerar kale oo qarax ah ayay Murtazaqada Ruushku taba bartat ee Fagnar kula kulmeen inta u dhexeysa tuulooyinka Marja iyo Kolomba, waxaana sidoo kale weerarkaan lagu bur buriyay gaari gaashaaman.

Weerar xooggan oo kamiin ah ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan xukuumadda Maali oo ku socdaalayay degaan ku yaalla gobalka Kaayis ee gudaha dalkaas, waxaana weerarkaan ka dhashay khasaare xooggan.

Mujaahidiintu waxay xaqiijiyeen iney howlgalkaan kamiinka ah ay dhagta dhiigga ugu dareen ugu yaraan 7 kamid ah ciidanka xukuumadda Maali, ayna dhaawaceen 8 kale.

Kolonyo maleeshiyaadka calooshood ushaqeystayaasha Fagnar ah oo ku socdaalayay duleedka degaanka Faaba ayay sidoo kale Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen weerar qarax ah.

Waxaa weerarkaan si xun ugu dhaawacmay ugu yaraan 2 kamid ah Murtazaqada Fagnar ee uu Ruushku taba bartay, waxayna Mujaahidiintu sheegeen in khasaarahaan uu yahay mid horudhac ah.

Dhinaca kale waxay Mujaahidiintu weeraro kala duwan ka fuliyeen dalka Burkinafaso oo isana daris la ah Maali, waxaana ka dhashay khasaa’ir kala duwan oo la gaarsiiyay ciidamada xukuumadda dalkaas.

Illaa 3 howlgal ayay Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha dalka Burkinafaso, Weerarka koowaad oo ahaa kamiin culus ayaana ka dhacay inta u dhexeysa tuulooyinka Bobo-Jolaso iyo Diidguu ee dalka Burkinafaso.

Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin waxay xaqiijisay in weerarkaan ay ku dileen 3 kamid ah ciidanka xukuumadda Wagadugu, ayna kusoo furteen 4 mooto, hub iyo agabyo kala duwan,

Weerarka 2-aad oo ahaa mid toos ah ayay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ku qaadeen fariisin ay askarta xukuumadda Burkinafaso ku lahaayeen degaanka Yaamba oo dhaca gobalka Faada ee gudaha dalkaas.

Weerarkaan oo ahaa mid culus ayay Mujaahidiintu ku dileen ugu yaraan 7 kamid ah ciidanka xukuumadda Burkinafaso, waxayna Mujaahidiinta halkaas ku gubeen mid kamid ah gadaadiidka dagaalka oo xerada uyiillay ciidanka la weeraray.

17 Mooto ayay sidoo kale Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin kusoo furteen weerarkaan xooggan, waxaana intaa dheer hub, sanaadiiq rasaas ah iyo agabyo mellatari oo ay soo Ghaniimeysteen Mujaahidiinta.

Weerarka ugu dambeeya oo ahaa kamiin yay Mujaahidiinta la beegsadeen ciidamo katirsan xukuumadda Burkinafaso oo ku socdaalayay degaanka Banii oo ku yaalla gobalka Tangadu, waxayna Mujaahidiinta weerarkaan kusoo qafaasheen hal askari oo katirsanaa ciidanka weerarka la kulmay, iyagoona horay usoo kaxeystay 6 mooto oo ay wateen kolonyada.

Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin Wal Muslimiin ee ku xiran urur weynaha Al-Qaacidda ayaa camaliyaadkooda ku ballaariyay dalalka Burkina Faso, Niger Maali, iyo kuwa kale oo dhaca saxaraha iyo Saaxilka Africa, arrinkaas oo banaanka soo dhigay in manduumadii amniga ee Paris hoostageysay aysan wax dan ah uheyn bulshada, ayna sare usii qaadday faqriga iyo shaqa la’aanta mandiqadda ka jirta.

Mid kamid ah Ahdaafta ay u dagaallamayaan guud ahaan Mujaahidiinta ayaa ah u gar gaaridda dadka dufacada ee Masaakiinta ah, kuwaas oo dhibaato adag kala kulmaya shisheeyaha kusoo duulay wadamada Muslimiinta.

Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo ka duulaya arrinkaas ayaa waxay si gaar ah u beegsadeen Maleeshiyaadka calooshood-ushaqeystayaasha Fagnar ee uu Ruushku soo taba bartay, dhawaan ayayna aheyd markii ay Murtazaqadaan la kulmeen weerarkii ugu xooggaanaa oo lagu daah furay camaliyaad Nafhurnimo ah, intaa kadibna ay xigeen rag Inqimaasiyiin ah oo khasaare culus dhabarka u saariyay shabakaddaan taabacsan Ruushka ee dhibaatada ku heysa Muslimiinta ku dhaqan dalka Maali.

Maalin ka hor ayay aheyd markii hey’adda Qaramada Midoobey ay soo saartay War-Saxaafadeed ay ku sheegtay in sanandkii lasoo dhaafay oo kaliya ay ciidamada xukuumadda Maali iyo kuwa shisheeye ee duullaanka ku jooga dalkaas dileen ugu yaraan 500 oo ruux oo rayid ah, waana qeyb yar oo kamid ah tacaddiyada ay ku kaceen ciidankaan huwanta ah.

Dhageyso Warbixin Howl-gallo Kala duwan oo ay Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ka fuliyeen dalalka Maali iyo Burkinafaso.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.