Q.Midoobey: “Ciidanka Maali & Kuwa Ajaanibta Ah Waxay Sannadkii Hore Dileen 500 Oo Ruux”.(Warbixin)
Dalka Maali waxaa duullaan mellatari kusoo qaaday qaar kamid ah wadamda reer Galbeedka iyo kuwa reer bariga intaba, waxaana dalkaan muddo sanado ah ka dhacayay dagaallo xooggan iyo xasuuqyo ay ciidamada soo duulayaasha ah ka geysanayeen gudaha Maali.
Kumannaan ruux oo rayid ah ayay dileen ciidanka soo duulayaasha ah ee dalkaan gumeysiga kusoo galay, waxaana xasuuqa ugu badan geysan jiray ciidamada Faransiiska oo gabi ahaanba isaga baxay dalka Maali, kadib markii ay Mujaahidiinta kala kulmeen weeraro xooggan oo Jihaadi ah.
Iminka waxaa dalka Maali ku sugan calooshood u shaqeystayaal loogu yeero Fagnar oo ay soo taba baratay dowladda Ruushka, waxayna Maleeshiyaadkaan xasuuq aan kala sooc laheyn ay kula kaceen bulshada Muslimka ah ee ku dhaqan dalka Maali.
Iyadoo dadka la dilay ay yihiin kumannaan kun oo ruux, ayaa waxaa haddana xilliyada qaar soo baxa warbixinno ay baahinayaan hey’adaha taabacsan Qaramada Midoobey, kuwaas oo ay ku qiranayaan xasuuqa ay ciidamadooda iyo maleeshiyaadka daba dhilifyada ah ka geysanayaan dalka Maali, kuwaas oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
Hey’adda Qarama Midoobey ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay, in ciidanka xukuumadda Maali iyo askar ajaanib ah ay dileen ugu yaraan 500 oo ruux, kuwaas oo u badan haween iyo caruur, tan iyo bishii Maarso ee sannadkii lasoo dhaafay ee 2022-ka.
Warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa waxaa dhaalaceynta ugu culus loogu jeediyay ciidamada xukuumadda Maali, kuwaas oo marar badan sidaan oo kale loogu jeediyay eedeymo la xiriira xasuuqyo ka dhan ah bulshada.
Taqriirkaan cusub oo la faafiyay 12-kii bishaan May ayaa waxaa ciidanka Maali iyo shisheeyaha soo duulayaasha ah lagu eedeeyay iney si bareer ah u dileen ugu yaraan 500 ruux, waxayna badi dilalka ka dhaceen bartamaha dalka Maali.
“Boqallaalkaan ruux waxaa dilay ciidanka xukuumadda Maali iyo kuwa ajaanib ah, waxaana la toogtay kadib markii ay ciidamadaan huwanta ah duullaan ku qabsadeen degaanno katirsan dalka Maali” ayaa lagu yiri warbixinta oo uu ku xusnaa ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha.
Xad gudubyada kuma eka dil oo kaliya, balse waxa ay ciidamadaan iyo maleeshiyaadka iyaga daacadda u ah ku kaceen, falal wuxuushinomo ah oo ka dhan ah haweenka muslimaadka ah.
Warbixinta kasoo baxday ururkaan ayaa lagu sheegay in 58 haween ah ay la kulmeen kufsi iyo falal kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxayna intaas raacisay, in maxaabiis ay gacanta ku dhigeen ciidanka huwanta ah loo geystay tacaddiyo kala duwan.
Madaxa waxa loogu yeero arrimaha xuquuqul insaanka ee hey’adda Qaramada Midoobay ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in tacaddiyada iyo dhaqamada nuucaas ah ay noqon karaan dembiyo dagaal iyo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Warbixintaan cusub ee ay soo saartay Qaramada Midoobey si rasmi ah looguma shaacin wadamada ay kasoo jeedaan ciidamada shisheeye ee askarta xukuumadda Maali kala qeyb galay leynta iyo xad gudubyadaan wuxuushnimada ah.
Qaramada Midoobay ayaa soo xigatay marqaatiyo ay soo aruuriyeen baarayaasha oo ku tilmaamay ajaanibta in ay ahaayeen rag cadaan ah oo ku labisan dareeska ciidamada kuna hadlayay luqad aan la aqoon.
Maleeshiyaadka Calooshood ushaqeystayaasha Fagnar ee Ruushku soo taba bartay ayaa kaalinta hore kaga jira, xad gudubyada ay geysanayaan ciidamada shisheeye ee duulaanka Mellatari ku jooga dalka Maali, waxaana Muratqadaan lagu xusuustaa xusuuqyo foolxun oo ay u geysteen Muslimiinta ku dhaqan dalka Maali.
Bishii October ee sannadkii lasoo dhaafay, Maleeshiyaadka Fagnar oo ay wehliyaan ciidanka xukuumadda Maali waxay xusuuq da daran ka geysteen mid kamid ah suuqyada ku yaalla gudaha dalkaas.
Xasuuqaas ayaa ka dhacay gobalka Mobiti ee dhaca bartamaha dalka Maali, iyagoona halkaasi ku laayay tiro dad Muslimiin ah, sidoo kalena boob iyo dhac ka geystay suuqa.
Ciidanka oo adeegsanayay diyaarado helokobtarro ah ayaa waxay dileen ugu yaraan 5 ruux oo uu ku jiro canug yar, halka ay sidoo kale af duubteen 9 ruux oo kamid ah dadka Muslimiinta ah.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Xadgudubyada Ciidamada Shisheeye iyo Askarta Maali.