Qaramada Midoobay oo U Tacsiyeysay Ciidankii Atmis Ee Lagu Laayay Buulomareer.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si walwal iyo caro ku dheehan tahay uga hadlay khasaarihii baaxadda lahaa ee maalintii shalay ciidanka Uganda loogu geystay weerarkii lagu qaaday xeradii ay ka degganaayeen magaalada Buulomareer ee gobolka Sh/hoose.

Gudoomiyaha golaha oo lagu magacaabo Csaba Korosi ayaa sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarkii taariikhiga ahaa ee lagu burburiyay saldhigii ugu weynaa ee ay Atmis ku lahayd Shabeelaha Hoose.

Hogaamiyahan ayaa u tacsiyeeyay ciidankii iyo saraakiishii ku baxay gacanta milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ehelladooda iyo dowladda Uganada.

Sidoo kale wuxuu xusay inuu DF uga tacsiyeynayo khasaarihii ciidanka Uganda ku gaaray Buulomareer. Tacsida ayaa kusoo aadeysa iyadoo DF ay beenisay khasaaraha ciidanka Uganda la gaarsiiyay.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.

Intaa wuxuu ku daray inuu caafimaad qab u rajeynayo askarta dhaawaca ah ee sida rafaadka ah ku tagay xerada Golweyn kadib markii ay cagahooda uga baxsadeen dhamacda kulul ee rasaasta.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa kusoo biirtay dhinacyada u tacsiyeynaya ciidamada Uganda. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Washinton, ninka lagu magacaabo Miller ayaa sheegay in ay si adag u cambaareynayaan khasaarihii askarta UPDF loogu geystay Soomaaliya shalay oo Jimco ahayd.

Qaramada midoobay iyo Mareykanka kama hadlaan xasuuqa ay ciidamadoodu u geystaan dadka Soomaaliyeed, marnaba kama aysan hadlin gumaadkii ay ciidanka Uganda dad beeraley ah ugu geysteen degnaaka Golweyn oo u dhow Buulomareer, iyo xasuuqii dhanka hawada ahaa ee Jalalaqsi, laakin taa badalkeeda waxaa la arkaa iney afka labadi soo yeeraan markii khasaare la gaarsiiyo askarta ay iyagu keeneen wadanka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerarka ku dishay ugu yaraan 137 askari oo u dhalatay Uganda, halka ay sidoo kale gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal iyo hub aad u badan.

Sawirradii shalay lasoo bandhigay ee laga soo qaaday xerada ciidanka Atmis ee Buulomareer waxaa ka muuqanayay Baybal ay halkaa ku heysteen ciidanka Uganda.

You might also like
1 Comment
  1. Shooter yare says

    Assalama alaykum..
    Idaacada alfurqan, idaacada codka islaamka, idaacada akhiru zamaanka. Allah baa idin doortay. Karaamaan arkaa. Cad. Allah ha idin kusuga. Idaacadda alfurqaan ee jannada illaahay ha Nagu kulansiiyo. Amiin. Ragga suubaha rumeryey.
    Ragga iimaankooda dhiiga ku saxiixay. Ragga jihaadka u istaagay iyo gabdhaha subagga ladabataagan allaha karaameeyo. waa maqalay buulo mareer. Waa maqalay ciidankii ugandha. Waa aragnay Ballantii Allah.
    Shalay ugandha news waa khalkhalay. Shalay ugandha new wuxuu sheego ayuu garan waayey. Shalay ugandha waa lasheegayay ayuu ku gababeeyey.
    Isreal.
    Isreal shaylay ogaatay raggii maxamed rumeeyey, ee akhiru zamin , ee buugaagta ku qornaa. Ee suubahu yiri walaalahay, ee saxaabadu jeclaatay, raggaas waa la arkay east afrika ayaa allah ladoonay iyo meelo kalaba. Mubruk mujaahidiinta geeska afrika.

Leave A Reply

Your email address will not be published.