Sawiro iyo Dhegeysi: Ciidamadii Uganda ee Buulo mareer ku dhaawacmay

Dhawaacyada qaar ka mid ah Ciidamada Uganda oo  baxsaday Dagaalkii Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ku qaaday Saldhig ay ku lahaayeen Buulo mareer ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Ciidamada Shisheeye ee Muqdisho.

Ciidamadaan dhaawacyada qaba ayaa orod uga baxsaday Xerada waxaana qasab ah in ay geedo badan jiireen ilaa inta ay ka gaarayeen Fariisinka Ciidmada Shisheeye ee Golweyn oo Buulo mareer ka yara durugsan.

Taliyaha Ciidamada Shisheeye ee Soomalaiya jooga Sam Okiding oo dhaawacyada Booqday ayaa Muujiyay sida uu ugu murugeysan yahay Xaalka askartaan.

waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u diray Eheleada iyo Saaxiibada Ciidankii Buulo mareer lagu laayay ee Uganda.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegtay in ay Dagaalka Buulo mareer ku dishay laba boqol oo askeri oo Ugandheys ah.

Halkaan ka dhegeyso Warbixinta Taliska Atmis oo Dhwaacyada Booqday

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.