Sh/Abuu Cubeyda oo Sheegay In Ay DF Ka Furteen Gaadiidkii Ugu Badnaa Ee Ay Helaan Tan Iyo Maxaakiimtii.

Mu’asasada Al-kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta baahisay kalimad la dhageysan karo kudhawaad hal saac oo uu Sheekh Abuu Cubeyda ka jeediyay xeritaanka shirkii labaad ee bariga Afrika, waxaana hadal jeedintan lagu tilmaami karaa tii ugu saameynta badnayn marka la eego macluumaadka ay xambaarsan tahay iyo xilliga ay kusoo hagaagtay.

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ugu horreyn sheegay inuu soo dhaweynayo fatwadii iyo warmurtiyeedkii shirka laga soo saaray, isagoo hoosta ka xarriiqay iney dusha u ridanayaan fulinta go’aanadii kasoo baxay wadatashiga wixii dhankooda ku aadan.

Abuu Cubeyda ayaa inta badan khudbaddiisa diiradda ku saaray dagaaladii dhacayay sannadkii u dambeeyay iyo marxaladda hadda la galayo, wuxuu sheegay in duullaanka lagu soo qaaday Soomaaliya ay qeyb ka yihiin dowladaha safka hore iyo kuwa safka dambe ee uu hormuudka u yahay Mareykanka, dowladahaas ayuu ku sifeeyay kuwa ku kulmay masaalix ay ugu weyn tahay la dagaalanka diinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in shisheeyuhu ay Soomaaliya ka dhigteen meel ay hubkooda iyo diyaaradahooda dagaalka ku tijaabiyaan, tusaalooyinka uu arrintan usoo qaatay waxaa kamid ah duqeymihii bahalnimada ahaa ee ay dowladda Kenya mudada dheer ka waday Gedo iyo Jubbooyinka, duqeymaha ay Xabashidu ka geysanaysay Bakool iyo Turkiga oo dagaalka u adeegsaday diyaarado tijaabo ku jira.

Intaa kadib wuxuu soo bandhigay xog daqiiq ah oo ku saabsan dagaaladii dhacayay mudadii sannadka ahayd ee lasoo dhaafay, kuwaasoo uu xusay in ay ku jabiyeen ciidamadii Soomaalida ahaa ee ay shisheeyuhu soo baritaarayeen, haddey ahaan lahaayeen kuwa Mareykanku tababaro ee Bankaraft, kuwa Turkiga ee Gorgor iyo kuwa la baxay macawiisley.

Amiirka ayaa tilmaamay in dagaaladaasi ay ku heleen saanadii ugu badnayd gaar ahaan gaadiidka: “Sida halkan warbixinta la idinku siiyay waxaa jira gaadiid badan oo la gubay iyo wax gacanta mujaahidiinta ku jira illaa hadda, gaadiidkaasi Ilaahey dadka muslimiinta uu ka siiyay waxay qeyb ka yihiin dagaalka iyaga maanta lagula jiro, waxaa jiray qalab dagaal oo kasoo galay dadka mujaahidiinta ah ciidankaasi ridada ee Ilaahey subxaanahu watacaalaa uu qanaa’im badan ka siiyay, waxaana ugu dambeeyay, waxaana ugu dambeeyay gaadiid nimankaa laga helo gaadiidkii lagu qabsaday halka loo yaqaano Sabansabley halkan intaan fadhinay ayuu khabarkan nasoo gaaray sow ma ahayn?” ayuu yiri Amiirka XSHM.

Isagoo isla arrintan sii faahfaahinaya ayaa waxa uu yiri: “gaadiidkii ugu dambeeyay waxaa laga qabsaday nimanka la yiraahdo Bankaraft intii aan halkan ku jirnay. Gaadiidka intaa la eg ee gacanta mujaahidiinta soo galay waa gaadiidkii ugu badnaa ee nasoo galay laga soo billaabo midowgii maxaakimta illaa iyo hadda”

Sidoo kale wuxuu ka hadlay duullaanka caalamiga ah ee lagu soo qaaday Soomaaliya inuu saldhig u yahay sidii Itoobiya loo makanin lahaa xeebaha iyo dekedaha Soomaaliya, duullaanka wadamada safka hore ee kal hore la sheegayna wuxuu ku tilmaamay mid la doonayo in lagu xaqiijiyeen hadafkaasi.

Wuxuu xaqiijiyay in duullaanka Xabashida foodsaare looga dhiganayo Xassan Sheekh, lana doonayo in bulshada lagu khaldo si aysan uga kicin gumeysiga xun ee lala damacsan yahay, wuxuu xusay in xeeladan ay adeegsatay sannadkii 2006 kolkaasoo ay sheegtay in uu Cabdullaahi Yuusuf u yeertay laakin bulshadu ay ka dagaalantay. Abuu Cubeyda wuxuu yiri: “kamana badalna marxaladdi ama waqtigii Cabdullaahi Yuusuf”

Kalimadda oo xambaarsan macluumaadyo aad u badan ayaa wuxuu gunaanadkeedii kula hadlay dadka muslimiinta ah, maamullada wilaayaatka islaamiga, culimada, odayaasha dhaqanka iyo ciidamada mujaahidiinta meel walba oo ay ku kala sugan yihiin.

Wuxuu bulshada ugu baaqay iney isku diyaariyaan dagaal masiiri ah oo looga hortagayo duullaanka gardarrada ah ee shisheeyaha oo ay ugu horreyso Xabashida, wuxuu wilaayaatka islaamiga ugu baaqay iney xilligan juhdigooda ugu badan geliyaan dagaalka, halka culimada iyo odayaasha dhaqanka uu kula dardaarmay in ay bulshada ku hogaamiyaan dariiqa Alle, kana soo baxaan dowrkooda, sidaa si lamid ah wuxuu ciidamada mujaahidiinta faray iney sii laba jibaaraan dadaalkooda, mar walbana juhdi ku bixiyaan sidii ay uga farxin lahaayeen dadka mustadcafiinta ah, wuxuuna ku bogaadiyay mujaahidiinta aagga ay dadka muslimiinta kaga aadan yihiin.

Halkan Ka Degso Kalimadda Sh/Abu Cubeyda mp3
Halkan ka dhageyso kalimadda Abuu Cubeyda
ama halkan ka daawo

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.