Dhageyso Waaliga Sh/Hoose oo Ka Waramay Dagaalka Buulomareer.
Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose Sheekh Cabdisamad Abuu C/raxmaan oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii saaka ka dhacay degaanka Buulomareer kaasoo cagta lagu mariyay xeradii ciidanka Uganda.
Isagoo ka qeybgalayay barnaamijka Diiradda Jimcaha ayaa waxa uu xusay in ciidankooda ay u suura gashay iney la wareegaan gabi ahaanba xerada, askartana Uganda-na ka dhigaan wax ay dilaan, qaar carara iyo kuwa ay gacanta kusoo dhigaan oo haddaba maxaabiis u ah.
Wuxuu sheegay in maxaabiista ay isugu jiraan kuwa dhaawac ah iyo qaar badqaba, isagoo intaa ku daray in midkood loo keenay kaasoo ag-joogay inta uu wareysigu socday.
Waaliga ayaa qeybaha dambe ee wareysiga ku sheegay in ciidankan shisheeye ay dhibaato ba’an ku hayeen bulshada ku dhaqan Buulomareer islamarkaana baabi’iyeen dhulbeereedyo badan oo ay dadka Soomaaliyeed lahaayeen.