Weerar Jihaadi Ah Oo Ka Dhacay Maali & Saraakiil Ruushan Ah Oo Qarax Lagu Dilay.(Warbixin)
Wararka ka imaanaya wadanka Maali ayaa sheegaya in saraakiil Ruushiyaan ah lagu dilay qarax bamaano oo ka dhacay magaalo dhacda bartamaha wadanka Maali.
Ugu yaraan 2 sarkaal oo cadaan iyo 2 askari Maaliyiin ah ayaa laxaqiijiyay in ay dhinteen kadib markii askari Russian ah oo sarkhaasan uu si qalad ah gaanjada uga furay bambaano uu gacanta ku haystay.
Dhacdadan ayaa lagasoo calaamadeeyay saldhig kuyaal magaalada Seego, goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax kadibna ay saraakiil katirsan dowladda Maali ay u sheegeen in askari qamri qabatoomay uu si khalad ah qarax usameeyay arrinkaas oo halaagga sababay.
Dhinaca kale weerar cusub oo dhiig badan ku daatay ayaa lagasoo calaamadeeyay meel ku dhow magaalada caasimadda u ah wadanka Maali.
Ugu yaraan 6 katirsan ciidamada melleeteriga Maali ayaa dhintay 9 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii xoogag jihadiyiin ah ay weerar dhabbagal ah udhigeen kolonyo gaadiid ah.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Qarax Bambaano iyo Weerar ka dhacay Maali.