Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Xarun Ay Ku Sugnaayeen Saraakiil Katirsan DF Oo Ku Taalla Muqdisho.(Bayaan)
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa fiidkii howlgal Inqimaasi ah waxa ay ku qaadeen xarun ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan DF, taas oo ku taalla degmada C/Casiis ee Magaalada Muqdisho.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay, in rag katirsan guutada Inqimaasiyiinta ay xoog ku galeen xarunta, halkaasna ka wadaan ugaarsiga saraakiisha.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay cawada fiidkii saacadu markii ay ahayd 8:00pm hawlgal qorshaysan oo inghimaasi ah ka billaabeen xarunta lagu magacaabo Pearal beach ee degmada Cabdi caziiz ee magaalada Muqdisho”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mujaahidiinta.
Bayaanka oo sii socda ayaa sidoo kale lagu yiri, “Xarunta ay mujaahidiintu hawgalka ka wadaan ayaa ah goob ay ku caweeyaan saraakiil ka tirsan kooxda ridada ah, kuwaas oo kaalin weyn ku leh dagaalka ka dhanka ah shareecada Islaamka iyo boobka dhaqaalaha Ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah”.
“Ciidamada Mujaahidiinta ee hawlgalka ku jira waxaa u suurtagashay inay gudaha u galaan xarunta Pearal beach halkaas oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan, Wixi faafaahin ah ee ku saabsan hawlgalkan socda dib ayaan ka gudbin doono insha-Allaah”, ayaa lasii raaciyay warka kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Amni kuma helay saan inaad amarka diidaane
Aayatiina may lahan kurigad daba orday saane
Alaah diide sharcina kuma aroor taane
Aafada kufrigu wado ayaad ku ajaray deene
Aflagaado iyo ayaad anfac u moodeene
Alaah diid madaad mooday saan inay haboo nayde
Akhlaaqdiyo sharciga Eebahay waad inkiray saane
Wax dhan bay abhinayeen shabaab uurka gaaladaye
Ashahaad ladirirada in badan oohow loo yiriye
Hayeeshee taladi may anficin ubadki shaydaane
Olaliya hadii ayan maslaxad abid kod yeelaynin.