Askar Katirsan Maamulka Yuhuudda Oo Lagu Dilay Xuduudda Masar.(Warbixin)
Taliska mellatariga ee Maamulka Yuhuuda ayaa xaqiijiyay, dilka 2 kamid ah ciidamadooda, kadib markii iska hor-imaadyo xooggan oomaanta ka dhacay xuduudda ay wadaagaan Masar, iyo dhulalka Muslimiinta ee ay xoogga ku heystaan Yuhuudda.
Warbaahinta Kayaanka Suhyuuniga ah ayaa dhankeeda shaacisay, in sarkaal katirsan ciidamada Masar uu ku dhintay, iska hormaadkaan ka dhacay xuduudda, ee u dhexeeyay ciidanka Yuhuudda iyo kuwa Masaarida.
Taliska Yuhuudda waxa uu sheegay, in iska hor-imaadka oo dhacay aroornimadii hore ee maanta uu yimid, kadib markii ruux hubeysan uu rasaas oodda kaga qaaday ciidamo Yuhuud ah oo ku sugnaa bar-koontarool oo ku taalla xuduudda dhulalka la heysto ay la wadagaan Masar, taas oo keentay dilka ruuxa hubeysan iyo 2 kamid ah ciidanka gumeysiga.
Iska hor-imaadkaan kadib ciidamada Yuhuudda ayaa dhaq dhaaqyo mellatari waxa ay ka sameeyeen mandiqadda, iyadoona goobta lasoo dhoobay saraakiil iyo ciidamo katirsan Yuhuudda.
Wargeyska Yadiicoot Axranood ee Yuhuudda ayaa dhankiisa shaaciyay, in diyaarado dagaal, gaar ahaan kuwa Helokobtriska oo ay leeyihiin ciidamada Yuhuudda ay tageen aagga uu iska hor imaadka ka dhacay.
Yuhuudda waxa ay shaaciyeen, in weerarkaan uu yahay mid halis badan, islamarkaana khatar amni ku keenaya ciidamada Yuhuudda ah ee ku sugan xuduudda degaannada ay xoogga kaga qabsadeen Muslimiinta reer Filastiin, iyagoo intaa raaciyay iney baarayaan sababta ka dambeysa dhacdadaan.