Ciidamada Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay degaanka Daarunicma.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka aroortii dagaal kula wareegay degaanka Daarunicma ee wilaayada Sh/dhexe.

Ciidamadii DF ee halkaasi ku sugnaa iyo kuwa macawiisleyda ah ayaa markey xabbaddu billaabatay isaga cararay goobta, kuwaasoo u kala jiheystay Aadan Yabaal iyo Alkowthar.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay la wareegeen degaanka islamarkaana burburiyeen saldhigyadii ay ka carareen ciidanka DF.

HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDK

“Ciidamada Mujaahidiinta oo dagaal kula wareegay Daarunicma ”
12 Dul-Xijja 1444 H (30 June 2023)

Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Jimca ah dagaal kula wareegeen deegaanka Daarunicma ee Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada Dhexe. Ciidamadii ridada ayaa dagaal kooban kadib
iskaga cararay deegaanka waxayna Mujaahidiintu dhulka la simeen taliskii ugu weynaa iyo dhamaan difaacyadii cadawga ee deegaanka Daarunicma. Firxadka cadawga ayaa u baxsaday dhinaca deegaanada Al-Kawthar iyo Aadan Yabaal halkaas oo ay ciidamada Mujaahidiinta kusii baacsanayaan.

Wixii faahfaahin dheeri ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha-Allaah.

You might also like
1 Comment
  1. Abumohamed says

    War kaa bari kayimid qalbigu waa u baahnaaye
    Beentiyo hadaaqii ridadu waysla burayaane
    Bartahama dhulkeeniyo halkay banee yeenba
    Bishaarada ilaah noo galiyo libinta sii baahday
    Biga iyo qalbiga way dhaydoo waw bogaag saniye
    Beejaale gaaliyo kuwii cadaw ku booteeyey
    Bakhtigoodu waa tuunsan yahay balas shabeeloo dhan
    Burbur iyo halaag bay muteen baho wadaag tiiye
    Buda lagu cadaab yadu in badan boolo xoof taynta
    Bitik baatik loo kala jaryoo baanadaa jabane
    Bahdii reer nasaaroo dhaniyo baani yaal gaala
    Murtad biirshay waa wada burburay oo ridadi biiqday
    Faan boolo xooftiyo markay been hadaaqayso
    Burji iyo nasiib umay lahayn biladay qaataane
    Baqay dhagac yiraaheed markay baalo tadu yeedhay
    Dhufays yada baneeyoo aadan yabaal baytin lagu sheeg
    Shabeelada dhexana way kabixi baaqigaw haraye
    Bilad sharaf dagaal waa heliyo baawir iyo guule
    Baariyow ilaahow kufrigu uu burburo oo biixiya duuli
    Birta laga asloo gaalka iyo boho wadaa giisa
    Ilaahow buruud kooda jabi ways bahays teene
    Bandiirada tawxiid kale rabow badi nasiib keeda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.