Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Howlgallo Ka Fuliyay Gobalka Mandheera.

Maalintii shalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay qarax xooggan la beegsadeen gaari Kooyal ah oo ay wateen ciidamada Kenya, kaas oo ku socdaalayay inta u dhexeysa degaannada Sermaan iyo Guba oo kawada tirsan gobalka Mandheera.

Qaraxa ayaa gabi ahaanba bur buriyay gaariga, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday wixii saarnaa.

Dowladda Kenya waxay qiratay in 3 askari looga dilay qaraxaas, 5 kalena looga dhaawacay.

Sidoo kale habeen hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, fariisin ay askarta Kenya ku leeyihiin degaanka Guba oo hoostaga degmada Raamo ee gobalka Mandheera, waxaana xerada Kenyaanka lagu gaaracay tiro baalootooyinka RPG-ga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.