Ciidamada Yuhuudda Oo Isku Dayay Iney Cagaf Jiirsiiyaan Nin Udhashay Lubnaan.(Daawo)

:Ciidamada Yuhuudda Sahyuuniyadda ayaa qaaday tallaabo ay doonayeen iney nolosha ku dhaafiyaan muwaadin u dhashay dalka Lubnaan.

Gaari cagaf ah oo ay leeyihiin mellatariga Maamulka Yuhuudda ayaa isku dayday iney jiirto islamarkaana ay aasto nin u dhashay dalka Lubnaan, xilli uu isku dayay inuu ka hortago cafagta oo la doonayay in lagu baabi’iyo dhul uu isagu lahaa oo ku yaalla xuduudda Lubnaan uu la wadaago dhulalka la heysto ee Filastiin.

Muuqaal ay baahisay warbaahinta Yuhuudda, oo uu kamid yahay kanaalka 12-aad ee kayaanka Suhyuuniga ah ayaa muujinayay, dhacadaan foosha xun ee ay ku kaceen ciidanka Yuhuudda.

Muwaadinka u dhashay dalka Lubnaan ayaa lagu arkayaa muuqaalka isagoo doonaya inuu ka hortago cagafta, illaa ugu dambeyn carada laga hoos-mariyay, balse waxaa lagu guuleystay in isagoo bad qaba laga soo saaro halkaas.    Kanaalka Al-Manaarah ee taabacsan ururka shiiciga ah ee Xisbullaata ayaa baahiyay, in cagafyada ciidanka Yuhuudda ay kusoo siqeen dhul-beereed  ay leeyihiin dadka Lubnaaniyiinta ah oo ku yaalla buuraha Kufur Shubaa.

Waxa uu intaa ku daray in Ismaaciil Naasir oo ah Ari jir Lubnaani ah uu ka hor tagay mid kamid ah cagafyada Yuhuudda, illaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Yuhuudda iyo xukuumadda Lubnaan oo ku saabsan dhacdadaan.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka:

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.