DEGDEG: Al-Shabaab oo Dilay Taliye Sare oo Ka Tirsan Atmis. (Warsaxaafadeed)
Warsaxaafadeed goor dhow kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in la khaarajiyay taliye sare oo ka tirsan ciidanka Atmis ee qeybta ka ah shisheeyaha ku sugan Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka oo kusoo baxay dhowr luqadood ayaa lagu sheegay in 26 May 2023 weerarkii ka dhacay magaalada Buulomareer lagu khaarajiyay taliyihii ciidanka Atmis oo hogaaminayay askartii heysatay Buulo-mareer, Golweyn iyo Baladul-amiin oo ka wada tirsan Shabeelaha Hoose.
Taliyaha oo u dhashay dalka Uganda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Edward Nyororo, wuxuuna hogaaminayay guutada lagu magacaabo Zulu oo qeyb ka ah soo duulayaasha ku habsaday degmooyinka Sh/hoose qaarkood.
Waxaa warsaxaafadeedka lagu soo bandhigay sawirka taliyaha lagu dilay dagaalkii Buulomareer kaasoo mas’uul ka ahaa xasuuq iyo tacadiyo kala duwan oo loo geystay dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada ay heystaan.
Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale bogaadiyay weeraradii Masagawaay iyo Buulo-mareer, kuwaasoo lagu dilay boqollaal askari oo ka kala tirsan shisheeyaha Uganda iyo DF.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka oo PDF ah