Degdeg: Qaraxyo Waaweyn oo Ruxay Saldhigga Xabashida Ee Doolow Iyo Al-Shabaab oo Ka Hadlay.
Degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay labo weerar oo nafhurnimo ah oo lagu beegsaday saldhig ay halkaasi ku lahaayeen ciidanka Xabashida Itoobiya.
Saldhigga oo ay ku sugnaayeen ciidan sidoo kalana yaalleen hub iyo gaadiid badan ayaa intiisa badan burburay, waxaana ku dhintay askar iyo saraakiil.
Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saaray warsaxaafadeed si horudhac ah uga hadlaya labada weerar noocyadooda iyo qeybaha ay beegsadeen.
“Camaliyada koowaad waxay Mujaahidiintu la beegsadeen taliska ciidamada ee saldhigga Kabaaso halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Xabashida ah ee gumaysiga ku jooga qaybo kamid ah Wilaayada Gedo, halka camaliyada labaad lala eegtay kaydka hubka iyo saanada ee ciidanka ku sugnaa saldhigga Kabaaso” sidaasi waxaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Taliska ciidanka XSHM ayaa ballan qaaday inuu dib kasoo gudbin doono faahfaahinta weeraradan mataanaha ah ee maanta lagu beegsaday saldhigga ay Xabashidu ka degganaayeen Doolow.
Bulshada ku dhaqan degmada Doolow ayaa sheegaya iney aad u maqlayeen jugta qaraxyada sidoo kalana muddo arkayeen qiiq iyo uuro isheystay oo ka baxaya xerada.
Doolow ayaa marin u ah ciidamada Xabashida ee heysta degmooyin ka tirsan Bay iyo Gedo, waxaana lasoo warinayaa in ciidanka la beegsaday ay dhammaantood quraac ku mashquulsanaayeen, meelaha qaarna koox-koox u fadhiyeen.
Furimaha kufrigu tuuran yahay ee fisqigu yaalo
Faranjiga nasaarada ragaa feenan hilib kiise
Niman kaa fasaad kiyo faylashiis gubaya
Fagaaraha ragaa taaganee faraya tawxiidka
Firaash iyo hurdaba wiilashaa faaruqee diiday
Wadaadada fansalakh iyo zandiiq faasiqaa necebe
Fuqahada sharciga faaqidee garan fusuushiisa
Faataxay u marayaan ducay faadhir tuugaane
Faham bay shareecadu rabtaa fiiro gooniyahe
Fadhiid kiyo danaystuhu magaran fahamku liitaaye
Ilaahow fatxiyo libin kusii faariska isqaamay
Faranjiga Ilaahow kujabi furinta lays haayo