Degmada Xiindheere Ee Wilaayada Galgaduud Oo Si Wacan Looga Ciiday. (Sawirro)
Xili guud ahaan Wilaayaadka Islaamiga ah maanta si weyn looga dabaal degay maalinta 01-aad ee Munaasabadda Ciidul Adxaa Mubaarak ayaa waxaa kamid ah goobaha maanta sida wacan looga ciiday Degmada Xiindheere ee Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud.
Boqollaal kamid ah dadweynaha magalaada ayaan labada rakcadood ee salaadda Ciidul-Adxaa ku tukaday Musalle weyn oo ku yaalla degmadaasi.