Dhageyso: Imaarada Islaamiga Ah Oo Mashaariic Muhiim Ah Ka Hirgalisay Afghanistan.(Warbixin)

Iyadoo 2sano  oo kaamil ah aysan kasoo wareegin markii ay xukunka lawareegtay imaarada Islaamiga ah ee afghanistan ayay durbadiiba shacabka afqaaniyiinta ah ujihaysay dhanka horumarka.

Tan iyo markii ciidankii shisheeye wadanka laga xoreeyay ayuu mamaulka islaamiga ah ee wadanka ka hana qaaday dadaal dheeri ah ugu jiray sidii bulshada muslimka ah dhan walba uga xoroobi laheyd, dumarka ku dhaqan magaalooyin ay kamid yihiin kaabuul ayaa laga xoreeyay caariyaadnimadii waxaana loo jiheeyay dhanka xijaabka iyo dhowrsanaanta, ragga ayaa laga xoreeyay isticmaalka mukhaadaraadka waxaana loo jiheeyay dhanka quudashada xalaasha.

Hay’adda faridda macruufka iyo reebidda munkarka ayaa shaqadeeda wadatada, ciidamada xisbada ayaa sugaya ammaanka dadka muslimiinta iyagoona ladagaallamaya dhammaan mukhaadaartka iyo kooxaha burcadda ah.

Illaa 10 mashruuc ayay imaarada islaamiga ah xarigga ka jartay dhammaantoodna waa kuwa isku tashi umadeed ah, mashaariicdaas dhammaantood waa kuwa dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed, yoolka ay mashaariicdan beegsanayaan waa in bulshadu ay gaarto heer isku filnaan ah.

Mashruuca ugu weyn ee hadda sida aadka ah loo hadal hayo waa dhismaha biya xireenka weyn ee Qoosh-teybah, mashruucan oo ah biya xireen weyn oo si xirfadeysan loogasoo jeexayo weybka jeyxuun wuxuu suurtgal ka dhigi doonaa haddii uu hirgelo in afghanistan ay ka maaranto in ay quudeedka ay dibada kasoo dhoofsato.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Horumarka Dhaqaale ee Afghanistaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.