Dhegeyso Waaliga Gedo oo hadlay Qaraxyadi Xabashida lagula beegsaday Doolow
Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo Sheekh Aadan Sahal Abuu Turaab ayaa si faah faahsan uga hadlay qaraxyo Nafhurnimo oo Maanta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay la beegsatay Ciidamada Xabashida ee haysta Magaaalada Doolow ee Gobalka Gedo halkaasoo qaar badan oo iyaga ka mid ahaa ku le’deen.
Sheekh Abuu Turaab ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacaddaaan Islaamiga ah ee Alfurqaan waxa ku sheegay in qaraxyadu haleeleen kaydadkii hubka iyo shidaalka ee Ciidanka Amxxaarada Khasaaraha dhimashadana uu badan yahay welow aanuu tira go’an sheegin.
Amxaarada ayuu sheegay in dhowr ka mid ah dadka Degaanka ay durba dishay iyadoo ka aar gudaneysa arinkaas oo mudda dheer caado iyo dhaqan lagu yaqaan u ahaa.
Halkaan ka dhegeyso Wareysi_Qaraxyadii_Doolow_Waaliga_Gedo_Sheekh_Aadan_Sahal_Abuu_Turaab