Faahfaahin: Askari Xabashi Ah oo Rayid Ku Xasuuqay Qabridaharre.

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dhacdo fool xumo badan oo maalintii shalay ka dhacday magaalada Qabridaharre oo kamid ah dhulka Soomaaligalbeed ee gumeysiga ku jira.

Askari Itoobiyaan ah ayaa gudaha magaalada ku toogtay 5 qof oo Soomaali ah isagoo aad u kibirsan, kuna dhawaaqaya hadallo islaam nacayb ah.

Dadka degaanka ayaa sheegay in askarigu uu dilay 5 qof oo ay ku jirto qof haweeney ah oo adeeg u dooneysay caruur ay dhashay.

Sidoo kale waxaa aad u badan dadka uu dhaacay kuwaasoo qaarkood xaaladooda aad looga deyrinayo.

Maamulka ay Xabashidu ka dhisatay Jigjiga ayaa sheegay inuu ka xun yahay toogashada uu askariga Itoobiyaanku geystay, waxayna sheegeen iney baaritaan ku sameynayaan sababta toogashooyinka ka dambeysa.

Bil ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada Xabashidu u rasaaseeyeen bulshada ku dhaqan magaaladan Qabridaharre, iyagoo sidoo kale Jigjiga ku dilay dad ay ku jirto haweeney caan ahayd.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.