In Ka Badan 10 Askari oo Danab Looga Dilay Duleedka Kismaayo.

Dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa maanta duleedka magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Danab ee uu Mareykanku tababaray.

Dagaalka oo muddo socday ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Yaaq Dabeyl, waxaana ugu dambeyntii lagu jabiyay ciidamada Danab kuwaasoo la gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay waxaa Danab laga dilay 12 askari halka laga dhaawacay 18 kale. Weerarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta galinkii hore ciidamada Uganda qaraxyo lagula beegsaday gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka Atmis ayaa lagu helay inta u dhaxaysa Danow iyo Shalaambood, laba qarax oo lala beegsaday ayaa haleelay ciidamo lugeynayay iyo gaari Taw ah, waxaana goobta dhacdada soo cagadhigatay diyaarad taasoo qaaday meydadka iyo dhaawacyada.

Ciidamada XSHM ayaa si joogto ah u beegsaday ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.