Ku Dhawaad 100 Ruux Oo Kuleyl Dartiis Ugu Geeriyooday Dalka Hindiya.(Warbixin)
Dalka Hindiya waxaa laga soo sheegayaa mujado kuleylo ah oo aad u daran, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 90 ruux.
Ugu yaraan 45 ruux aya la xaqiijiyay iney ku dhinteen gobalka Uttar Pradesh ee dhaca waqooyiga dalka Hindiya, halkaas oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay uu ka jiray kuleyl aad u daran oo saameeyay dadka iyo duunyada, sida uu baahiyay wargeyska Times of India ee kasoo baxa gudaha dalkaas.
Sidoo kale gobalka Biihaar ee isana daris la ah Uttar Pradesh ayaa waxaa kuleyl dartiis ugu dhintay 45 ruux oo kale.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka Hindiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegtay in mowjado kuleylo ah ay ka jiraan qaar kamid ah goballada dalka Hindiya, kuwaas oo ay kamid yihiin labadaan gobal ee ay tobannaanka qof ku geeriyooodeen.
Qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda Hindiya ayaa shaki galinaya, in dadkaan tirada badan ay u dhinteen kuleyl dartii, iyagoo xusay iney socdaan baaritaanno ku aaddan arrinkaas.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobalka ayaa xaqiijiyay geerida tobannaan ruux oo Hindi ah, balse waxa uu tilmaamay in ay adag tahay in arrintan loo aaneeyo kulayl daran,” isagoo aan xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhimashada.
Ninkaan waxa uu intaa ku daray, in qaar kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen kuwa da’ ah, oo geeridooda lala xiriirinayo gabow, halka kuwa kalena ay u geeriyoodeen asbaabo kala duwan, ma jirto cadaymo sugan oo muujinaya in kulaylku uu yahay sababta dhimashadan, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Heerkulka ayaa sare u kacay 45% maalmihii u dambeeyay qeybo ka mid ah dalka Hindiya, marka loo eego dhibaatada tamarta daran, taas oo xaaladda uga sii dareysa.
Waxaa la filayaa in mawjado kuleyl ah ay ku dhiftaan qaar ka mid ah gobolada dalka Hindiya, waxaana qeybo ka mid ah gobolka Aasaaam ee waqooyi bari Hindiya ka da’ay roobab mahiigaan.