Ku Dhawaad 300 Oo Ruux Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Bariga Hindiya.(Warbixin)
Wararka ka imaanaya dalka Hindiya ayaa ku waramaya in khasaare lixaad leh uu ka dhashay shil tareen oo ka dhacay gudaha dalkaas.
Ugu yaraan 288 ruux ayaa lagu soo waramayaan iney ku dhinteen, 900 oo kalena ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay bariga dalka Hindiya, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha oo sii kordho.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba tareen oo marayay bariga dalka Hindiya, taas oo sababtay geerida 288, qaar kamid ah dadkii tareennada saarnaa ayaana lasoo warinayaa iney wali ku xayiran yihiin gudaha tareennada, taas oo khasaaraha sii kordhin karta.
Markii hore waxaa lasoo tabiyay in shilka ay ku dhinteen 50 ruux, tirada ayaana si dhaqsi ah ku korortay, taas oo gaartay 80, illaa 120 ruux, waxaana xogihii ugu dambeeyay ay sheegayaan in tirada dhimashada ay iminka mareyso 288 ruux.
Badi dadka dhaawacyada qaba ayaa laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad, maadaama ay lafaha iyo xubno kale oo mihiim ah ay wax kasoo gaareen, sida madaxa oo kale.
Dab ayaa ka kacay tareennada, waxaana qolyaha dam damiska iyo kuwa gurmadka deg degga ah ay baadi goob ugu jiraan dad la’yahay oo kamid ah rakaabkii saarnaa tareennada.