Sh/Kabo-kutukade “Xasan Gurguurte cadaawadda uu shabaab u qabo waxaa ka badan Cadaawadda uu u qabo Ciidanka uu soo dirayo”
Waaliga Wilayaada Islaamiga ah ee Shabeelaha dhexe Sheekh Yuusuf Koba kutuda ayaa ka hadlay Weerararkii Buulo mareer ee dhawaan lagu dilay 200 oo askeri oo Ugandheys ah iyo kii Masaga waay ka dhacay ee lagu dilay 149 askeri oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah.
wuxuu sheegay in ay hadii ay yihiin Wilaayada Shabeelaha dhexe ku faraxsan yihiin in la laayo Ciidamadaan ku soo duulay Wilaayaatka Islaamiga ah ee la dagaalamaya kana hor tagaya in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka.
si gaar ah wuxuu ugu dheeeraaday arinka Ciidamadii lagu laayay Masaga waa ee ka tirsanaa Malateriga Dowladda Federaalka ah.
Kobo ku tukade waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Aad u neceb yahay Ciidamadii hore ee Farmaajo ka amar qaadanayay aa u diiwaan geliyay gaar ahaan kuwa eretiriya lagu soo tababaray ee iminka la laayayna ayba u sii daran yihiin.
“Xasan Gurguurte cadaawadda uu shabaab u qabo waxaa ka badan Cadaawadda uu u qabo Ciidanka uu soo dirayo” ayuu yiri Kobo ku tukade.
Kobo ku tukade oo ay wareysatay Idaacadda ku hadasha Afkra Xarakada Shabaabbul Mujaahidiin ee Al andalus wuxuu sheegay in Xasan Sheekh Ciidamada Alshabaab laga dilo iyo kuwa laga dilo Dowladda Federaalka ah horayna farmaajo u tababaray uu si isku mid ah ugu farxayo.
wuxuu sheegay in arinkaa ay daliil u tahay in Ciidamadii Uganda ee Buulo mareer lagu laayay Xasan Gur guurte uu ka tacsiyeeyay laakiin Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee laga laayay aanuu ka tacsiyaynin.
wuxuu sheegay in qorshayaasha Xasan Gurguurte ay ka mid tahay in Ciidamadii uu meesha ugu yimid ee Federaalku ku baxaan Gacanta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.