Kumuu Ahaa Gaashaanle Edward Nyororo Ee Ay Mujaahidiinta Al-Shabaab Ku Dileen Weerarkii Buulomareer.(Warbixin)

Todobaad ka hor waxaa Magaalada Buulomareer ee gobalka Sh-hoose ka dhacay, weerar aad u xooggan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo gaba gabeeyeen, fariisin ay askarta Uganda ee qeybta ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka Kaga sugnaayeen magaalada, iyadoona halkaasi lagu gaarsiiyay khasaarihii ugu xooggaa abid ee ay marti galiyaan ciidamada Ugandeyska ah, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay duullaanka shareeco la dirirka ah kusoo qaadeen Soomaaliya.

Dagaalka waxaa ku dhintay saraakiil dhowr ah oo katirsan ciidamada Uganda, kuwaas oo ay ku jireen kuwa xilal sare ka hayay taliska howlgalka “ATMIS” ee ay ku mideysan yihiin shisheeyaha Afrikaanta ah ee duullaanka ku jooga dalka, kuwaas oo qaarkood ay xukuumadda Kampala shaaciyay magacyadooda iyo xilalka ay hayeen.

Waxaa saraakiishii ugu sarreysay ee weerarka lagu dilay kamid ah, Saliibi Ugandeys ah oo lagu magacaabo Edward Nyororo, wuxuuna hogaaminayay guutada lagu magacaabo Zulu oo qeyb ka ah soo duulayaasha ku habsaday degmooyinka Sh/hoose qaarkood.

War-Saxaafadeed kasoo baxay taliska Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo lagu bogaadinayay weeraradii Buulomareer iyo Masagawaay, ayaa lagu soo bandhigay sawirka taliyaha lagu dilay dagaalkii Buulomareer, kaasoo mas’uul ka ahaa xasuuq iyo tacadiyo kala duwan oo loo geystay dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada ay heystaan.

Dadka reer Uganda ayaa u baroor-diiqaya taliyahaan sare ee lagu magacaabo Nyororo, kaas oo ay Mujaahidiintu shaaciyeen dilkiisa, balse aysan soo hadal qaadin hogaanka sare ee ciidamada Uganda, inkastoo ay qirteen in 54 askari looga dilay weerarkii Jimcihii hore ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo afjareen, xeradii ay ciidamada Uganda kaga sugnaayeen Magaalada Buulomareer ee gobalka Sh-hoose.

Taliska Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu shaaciyay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 200 oo askari oo katirsan ciidamada Uganda, ayna gacanta kusoo dhigeen tiro kale oo maxaabiis ah.

Wargeys lagu magacaabo Berry LoveAfrica ayaa daabacday, maqaal uu ugu baroor-diiqayo hoggaamiyahaan katirsanaa ciidamada Uganda ee lagu dilay weerarkii Buulomareer, “Nyororo oo 46 jir ah, waxa uu ahaa nin ay hareysay awood iyo riyooyin, waxa uu qorsheynayay in bisha Agousto ee soo socota uu ciidanka isaga tago, isagoo ku raja weynaa inuu guri u dhiso hooyadiisa xanuunsan oo lagu magacaabo Ester Tokoro” ayaa lagu yiri maqaalka uu baahiyay wargeyskaan ee loogu baroor-diiqayay sarkaalka katirsan ciidamada Uganda.

Hasa yeeshee dhammaan hanqal-taagaas dabeysha ayaa qaaday, kadib markii nolosha Nyororo lagu soo afjaray weerarkii ay xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday fariisinka ciidamada Uganda, illaa iyo haddana lama hayo tafaasiil rasmi ah oo ku aaddan, sida ay kooxahaan mayalka adag usoo jiireen xerada, una laayeen tobannaan ciidamo ah, qaarna ay qafaasheen, kuwaas oo noqonaya maxaabiis dagaal, ayuu leeyahay wargeyska

Madaxweyne Yuweri Musaveni oo ah taliyaha ugu sarreeya ee ciidamada Uganda ayaa sabtidii lasoo dhaafay ka dhawaajiyay, in dowladdiisu ay 54 askari ku waysay awaamiir ay bixiyeen laba sarkaal oo katirsan ciidamada, kuwaas oo sabab aan illaa iyo iminka la garan ciidanka ugu amray iney insaxaabaan intii ay dagaallami lahaayeen, ayaa sidoo kale lagu yiri maqaalka baroor-diiqda ah ee uu daabay wargeyskaan.

Waa khasaarihii ugu xumaa ee ay saaxada dagaalka kala kulmaan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee loogu yeero “ATMIS”, tan iyo markii ugu horeysay ee loo diray dalkaan ku yaala Geeska Afrika sanadkii 2007-dii, iyagoo ka hoos dagaallamaya shaarka waxa loogu yeero nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Wargeysku waxa uu ku calaalayaa in isgaarsiinta rasmiga ah ay tahay mid naadir ah, tafaasiisha dagaalkana ay aad u yartahay, isagoo tusaale usoo qaatay in Tokoro oo ah hooyada dhashay taliyaha ay sheegtay, in aan si rasmi ah loogu wargelin in wiilkeeda uu ku dhintay Soomaaliya, kaas oo xil sare ka hayay ciidamada Uganda ee loo yaqaanno UPDF.

“Saaxiibadiisa oo kaliya ayaan ka maqalnay in la dilay wiilkeyga, kuwa kalena waxay nagala soo xiriirayeen Soomaaliya, balse illaa iyo hadda si rasmi ah noolama soo xiriirin xubin katirsan wasaaradda difaaca iyo taliska ciidamada UPDF-ta, si ay iigu wargaliyaan geerida wiilkeyga, oo ay todobaad kasoo wareegatay, si aan ugu diyaar garowno duugtiisa” ayay tiri hooyada dhashay sarkaalka katirsanaa ciidamada Uganda ee ay Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen dagaalkii Buulomareer.

Taczi iyo baroor-diiq ayaa hareysay tuuladii uu kasoo jeeday sarkaalkaan, waxayna hooyadiisu sheegaysaa, in maalin waliba ay u yimaadaan xeen dad ah, kuwaas oo uga tacsiyeynaya geerida wiilkeeda, ayna ku jiraan qaban qaabada aaskiisa.

“Waxaan dadka u sheegnay ineysan muddo dheer sii joogin halkaan, sababtoo ah ma heyno jadwal rasmi ah oo ku aaddan goorta meydka la keenayo, balse waxaan qaar kamid ah qaraabada u ogaalanay inay sii wadaan baroor-diiqda iyo u tacsiyaynta hooyada, maadaama ay tahay qof waayeel ah oo dafiic ah” ayuu yiri Charles Anguzo oo ah ina-adeerka sarkaalka la dilay.

Mid kamid ah riyaawadaha lagu qoslo ee laga soo tabinayo ciidamada Uganda kuna Soomaaliya ayaa ah, in markii Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerarka ku ekeeyeen saldhiggii ciidamada Uganda ee Buulomareer, qaar kamid ah saraakiishii hogaamiyahaan ka hooseysayna ay ciidanka ku amreen iney insixaabaan, uu Nyororo go’aansaday inuu isagu is toogto, intii uu qafaal ahaan ugu dhici lahaa gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida uu shaaciyay wargeyska.

waxa uu wargeysku intaa ku daray in qaar kamid ah marqaatiyada ay hayaan ay muujinayaan, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigtay in ka badan 10 askari oo katirsan ciidamada Uganda, sida laga soo xigtay ila wareedyo kala duwan.

Duruufaha lasoo sheegay ee ku xeeran geeriya Nyororo, iyo Museveni oo cadeeyay fuleynimada muuqata iyo khiyaana ka dhex jirta ciidamadiisa ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, ayuu wargeysku sheegayaa iney dareen dheeraad ah oo murugo leh ku soo kordhiyeen, qaraabada uu soo gaaray khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii xoogganaa ee Buulomareer.

Dowladda Uganda waxay sheegtay, in laba sarkaal oo gaashaanlayaal ah oo ka tirsan ciidamada UPDF, laguna kala magacaabo Oloka iyo Obo loo xiray, halaagii ciidamada Uganda kasoo gaaray weerarka Mujaahidiinta, kuwaas oo lasoo taagi doono maxkamad ciidan.

“Ka hor inta uusan wiilkeyga ku biirin dagaalka Soomaaliya, waxa uu ahaa nin jecel nabadda, una ololeeya in dadku ay nabad ku noolaadaan, waxa uu ahaa geesi dhaga fudud oo dhaga nugul madaxdiisa” ayay tiri hooyada dhashay sarkaalka, “Markii uu aadayay Soomaaliya, waxa uu yimid guriga bishii Febraayo, halkaas oo aan ugu ducaynay, Ilaahayna uga barinay in uu ilaaliyo.” Ayay sii raacisay hadalkeeda.

Hogaamiyahaan halaagsamay ayaa ciidanka kusoo biiray isagoo aad u yar sannadkii 1986-dii, kaas oo ah sannadkii uu Yuweri Masaveni la wareegay xilka madaxtinimada ee Uganda, isagoo illaa iyo iminka ah Madaxweynaha dalkaas.

“Geeridu waa mid kamid ah xaqiiqooyinka nolosha, waxa kaliya ee aan u baahannahay ayaa ah inaan helno meydkiisa, si aan ugu dhinac aasno aabihiis iyo walaalihiisa isaga ka hoorreeyay, sababtoo ah wey nadhibeysaa ineysan dowladdu noo sheegin geeridiisa, Soomaaliya waa meel halis badan, marka laga hadlayo in askari kamid ah ciidanka uu dagaal u aado halkaas” ayay tiri hooyada dhashay Nyororo oo ay ilmadu ka qubaneysay.

Inkastoo ay jiraan dhaq dhaaqyo joogta ah oo lagu diidan yahay ciidamada Ugandeyska ah ee loosoo dirayo Soomaaliya, ayuu haddana ina adeerka sarkaalkaan shegeegayaa, in hogaamiyaha halaagsamay uu ahaa nin daryeela kana war haya 2 xaas oo uu qabay, 6 caruur ah oo uu dhalay, iyo 20 kamid ah walalaalihiis, geeridiisa ayuuna sheegayaa iney tahay musiibo weyn, taas oo meesha ka saareysa gargaarkii uu siin jiray, ayna wajahayaan masiir mugdi ah.

Hadaba waa kuma hogaamiyahaan katirsanaa ciidamada Uganda ee ay Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen Malxamaddii Buulomareer?

Gaashaanle dhexe Edward Nyororo waxa uu ku dhashay sannadkii 1977dii, Wuxuu casharro hore ka qaatay Dugsiga Hoose ee Gyako ee taabacsan Kaniisadda Uganda, balse ma cadda heerka ugu sarreeya ee uu waxbarashada ka gaaray.

Waxaa la ciidameeyay isagoo aad u yar sannadkii 1986-dii, waxa uuna gaaray darajada Koneyl, isagoo ka qeyb galay dagaallo lala galay kooxihii mucaaradka ahaa ee ka dagaallamayay dalka Uganda, ayna kamidka aheyd xarakada la magac baxday Ruuxul-Qudus ee uu hogaaminayay Alice Lakwena.

Waxaa nolashiisa ku dheehneed islaam la dirirka lagu soo afjaray, weerar ay Mujaahidiinta Al-Shabaab 26-kii bishii May ee lasoo dhaafay ku qaadeen, xero ay ciidamada Uganda ku lahaayeen Soomaaliya, wuxuuna ifka kaga tagay laba carmal ah, lix caruur ah iyo 20-qof oo isaga ku tiirsanaa.

Isaga oo kaliya maahane waxa ay dowladda Uganda saraakiil iyo ciidamo badan ku weysay waysay duullaankii xooganaa ee ka dhacay Magaalada Buulomareer ee gobalka Sh-hoose, halkaas oo ay Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen in ka badan 200 oo askari oo katirsan ciidamada shisheeye ee Uganda.

Mu’assasada Al-Kata’ib ayaa baahisay, isdaar aad uxiiso badan oo ciwaan looga dhigayويشف صدور قوم مؤمنين, kaas oo lagu soo bandhigay weerarkii cagmarinta ahaa ee ay Mujaahidiintu ku qaadeen xerada ciidamada Uganda ee magaalada Buulomareer ee gobalka Sh-hoose, waxaana muuqaalka oo ahaa mid laab qabowsi ah uu si dhaqsi leh ugu dhex faafay baraha Internetka, iyadoo ay daawadeen dad badan oo Uangdeys ah.

Dowladda Uganda ayaa ka hoos dagaallameysa daladda isbaheysiga dowliga ah ee ay daba ka riixeyso dowladda Mareykanka, si meesha looga saaro nidaamka Shareecada islaamiga ah ee ka hana qaaday Soomaaliya, lana dhiso dowlad Soomaaliyeed ee iyaga daba dhilif u ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa u halgameysa sidii loo dumin lahaa DF ee ay reer-galbeedku taageeraan, dalkana looga saari lahaa ciidamada isbaheysiga caalamiga ah ee ay ku tiirsan tahay, loona jari lahaa heymanada reer-galbeedka, waxay sidoo kale Mujaahidiinta Al-Shabaab u dagaallamayaan sidii guud ahaan Soomaaliya looga hirgalin lahaa nidaamka Shareecada Islaamka.

Dhageyso: Warbixin Kumuu Ahaa Gaashaanle Edward Nyororo Ee Ay Mujaahidiinta Al-Shabaab Ku Dileen Weerarkii Buulomareer.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.