Maxkamadda Al-Shabaab oo Xukuntay 5 Basaasnimo Lagu Eedeeyay. (Dhageyso)

Maxkamadda islaamiga ah ee Bakool ayaa xukun ku riday 5 nin oo lagu eedeeyay basaasnimo, kuwaasoo midkood uu Itoobiyaa xogo ka siin jiray Soomaaliya tan iyo waagii maxaakiimtii islaamiga.

Magacyada eedeysaneyaasha ayaa kala ah sida tan:

1- Aweys Xaaji Xasan Liibaan da’diisu waa 41 sano jir wuxuu la shaqeynayay sirdoonada C.I.A-da Mareykanka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed, jaajuuskan ayaa qeyb ka ahaa Shabakadii Boorow Tukow.
2- Cabdi Wahaab Cumar Mubaarag looyaqaano ” Lafoole” da’diisu waa 21 sano jir, wuxuu la shaqeynayay jawaasiista Mareykanka isagoo qeyb ka ahaa Shabakadii jawaasiista ee Dr Ayuub.
3-Zakariye Yuusuf Xuseen da’diisu tahay 30 sano jir wuxuu la shaqeynayay Sirdoonka Itoobiya, kaas oo laga soo diray magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaaligalbeed.
4- Ibraahim Xassan Maxamed oo ku magac dheer ” Jaabir ” da’diisu tahay 49 sano jir wuxuu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka isagoo qeyb ka ahaa shabakadii jawaasiista ee Dr Ayuub.
5- Maxamed Abuukar Cusmaan da’diisu tahay 34 sano jir wuxuu la shaqeynayay sirdoonada Mareykanka iyo Kan Itoobiya, wuxuu hagi jiray duqeymihii cadowtooyo ee itoobiyaanku ku garaaci jireen degmooyinka gobolka Banaadir.

Halkan Ka Dhageyso Xukunka Maxkamada WI Bakool

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.