Prof Afyare: “2007 Itoobiya Imaatinkeedi Waxay Caawisay Al-Shabaab 2023 Haddey Yimaadaan Maxaa Dhici”
Tan iyo markii uu soo baxay warka sheegaya in Mareykanku uu qorsheynayo inuu ciidamo Itoobiyaan ah u adeegsado duullaankiisa Soomaaliya waxaa isi soo taraya siyaasiyiinta quusta ka muujinaya arrintaasi kana digaya cawaaqib xumada ka dhalan karta.
Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo kamid ah siyaasiyiinta taabacsan DF sidoo kalana madax ka ah hey’ad xogaha uruurisa oo laga leeyahay Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in soo gelitaanka ciidamada wadamada safka hore ay keeni karto dhibaato hor leh.
Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay mar walba xasaasiyad ka qabaan ciidamada Itoobiya oo ka socda dowlad Kiristan ah oo ay cadaawad guun ah kala dhaxayso ummadda Soomaaliyeed, isagoo si dadban ugu eedeeyay iney jabiyeen qaraar ay soo saartay Qaramada Midoobay oo sheegayay ineysan dowladaha safka hore ciidankoodu geli karin Soomaaliya.
Afyare oo laba wadan ka lala dhigaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa ku nuuxnuuxsaday in imaatinka ciidamada Itoobiya uu mujaahidiinta ku caawin karo in bulshadu taageerto.
“2007dii dowladaha dariska imaatinkooda waxay caawiyeen Al-Shabaab, 2023 haddey yimaadaan maxaa dhici doona? Anigu kolley waxaan ku talin lahaa inti laga maarmi karo in laga maarmo” ayuu yiri Afyare isagoo intaa raaciyay inuu ka baqayo in dadka Soomaaliyeed ay hab diineed u kacaan.
Itoobiya ahaa ah dowlad matasha kiristanka gobolka, waxay cadaawad aad u fog kala dhaxaysaa ummadda Soomaaliyeed, waxay xoog ku heysataa dhulka Soomaaligalbeed oo uu Ingiriisku siiyay, sidoo kale waxay kusoo xadgudubtay oo ay haddaba ciidamadeedu heystaan qeybo kamid ah dhulkii xorta lagu magacaabi jiray ee Soomaaliya.
Sannadkii 2007 waxay dumiyeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdihso iyagoo dilay 20 kun oo qof oo Soomaali ah.
Mareykanka ayaa la sheegayaa inuu Itoobiya u door bidayo kadib markii ay fashilmeen ciidamadii Amisom, askarta DF intooda badan ku le’deen dagaaladii ugu dambeeyay.
Qorshahan ayuu doonayay inuu si qabow oo aysan Soomaali dareemi karin ku fuliyo balse waxaa ka hor dhacay oo ummadda Soomaaliyeed u xog warramay Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage isagoo wareysi uu bishii March siiyay warbaahinta Al-furqaan ku sheegay in Mareykanku Xabashi soo celinayo si uu u makaniyo dhul hor leh.
Tan iyo xilligaas waxaa dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku dhaqan laga dareemayaa falcelino iyo dareen qiiro leh. Siyaasiyiin badan oo Soomaaliya iyo ajaanib isugu jirana waxay sheegayaan in arrinta duullaanka Xabashida ay ka dhalan karto in dadka Soomaaliyeed hab islaamnimo ah u kacaan, sidii horeyba loogu yaqaanay.