Qarax Ay 4 Askari Ku Dhinteen Taliye-na Uu Ku Dhaawacmay oo Muqdisho Ka Dhacay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa saacado ka hor ka dhacay qarax lala beegsaday ciidamo iyo sarkaalkii ay la socdeen kaasoo sababay khasaare isuhu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ka dhacay Shiirkole/ degmada Hodan ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay 4 askari oo ka tirsan ciidanka DF sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay taliyihii ciidankan watay oo lagu magacaabo C/fataax Qoslaaye oo horey usoo noqday taliyiin ciidanka degmada Hodan.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxan ay filiyeen ciidanka Al-Shabaab.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa todobaadkii ugu dambeeyay ka dhacay weeraro kala duwan oo khasaare loogu geystay mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan kuwa DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.